Boobe oo xukuumadda si ba’an ugu dhaliilay odayaal-dhaqameedka Somaliland ee Turkiga looga gacan-haadiyey

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa ayaa xukuumadda si ba’an ugu dhalliilay odayaal la sheegay in Turkigu ka codsaday in ay ka qayb-galaan wada-hadallo la yidhi waxay dhex marayaan Somaliland iyo Soomaaliya. Boobe wuxu sheegay in ay xukuumaddu ka dambayso arrintan isla markaana ay odayaasha dhaqanka ee qodobkan ka dhawaajiyey iyo xukuumaddu ay hoosta isaga daloolaan.

Boobe waxa kale oo uu tibaaxay in dhacdadan hadda dhacday ee Suldaan Xiirey ku sheegay in uu Turkiga ka-ga qayb-galayo ay ka horreeyeen dhacdooyin xukuumadda ay horseed ka ahayd. Boobe wuxu tusaale u soo qaatay odayaashii May 2014-kii ay Hargeysa ku yimaadeen odayaashii dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya ay ahayd hordhaca waxa maanta jira.

Sidoo kale Boobe wuxu xukuumadda ku canaantay in ay warbaahinta kala hadashay Turkiga laakiin looga fadhiyey in ay xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed ka shaqaysiiso kana codsato Turkiga in aanu Somaliland soo-farogelin.

Boobe wuxu xukuumadda ku eedeeyey in iyadoo uu xeer ka yaal ciddii Koonfur arrimo siyaasadeed u tagta la ciqaabi doono uu haddana Suldaan Xiirey shir-jaraa’id qabtay iyadoo halkii uu Wasiirka Arrimaha guduhu sharciga ka marin lahaana uu warbaahinta uga digay. Boobe wuxu soo qaatay maansadii Cabdi Iidaan ee ahayd:

“Waxay dameertu hooyada

Dabada uga nuugtaa

Deceb iyo isku-hallayn

Ma dambaabidhee garo”

Hoos ka daawo muuqaalka Royal TV ee shir-saxaafadeedka Boobe.