Muxuu Turkigu u soo riday diyaaradda Ruushka, maxaase ka dhalan kara?

Warka maanta ugu muhiimsan ayaa ahaa diyaarad Ruushku leeyahay oo Turkigu dhulka soo dhigay. Sida Turkigu sheegay diyaaraddani waxay ku soo xad-gudubtay hawada sare ee Turkiga waxana loo digay 10 jeer muddo ku siman 5 daqiiqo.

“Diyaaradda dagaalka Turkigu la galay wuxu waafaqsanaa xeerarka dagaaalka. Waxay ku soo xad-gudubtay hawada Turkiga sidaasaana loo soo riday” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Turkiga.

Hase ahaatee Ruushka ayaa fikrad taas aad uga duwan qaba. Madaxwenaha Ruushka oo arrintan si cadhaysan uga hadlay waxa uu yidhi:

“Diyaaradda nalaga soo riday waxan u arkaynaa mindi dhabarka nalagaga dhuftay. Mindidaas oo ay nagu dhufteen kuwa la socda argagixisadu.”

Madaxweyne Putin wuxu sheegay in diyaaraddu soo-ridista diyaaradda Ruushku ay tahay mid aan la macnayn karayn isla markaana aan qiil loo samayn karayn. Sababtoo ah diyaaraddani sinaba halis uguma ay ahayn dalka Turkiga maadaama aanu jirin dagaal uu Ruushku Turkiga ku hayaa.

Diyaaraddu waxay ku soo dhacday 4 kiiloomitir gudaha Suuriya. Waxana la arkayey laba qof oo ka boodaya markii ay dhacday kuwaas oo loo malaynayo in ay ahaayeen baylooddadii. Hase ahaatee falaagada ka dagaallanta Suuriya ayaa sheegay in ay iyagu gacanta ku dhigeen laba baylood.

Bishii Juun ayaa Turkigu sheegay in ay soo rideen diyaarad hawadeeda ku soo xad-gudubtay taas oo ah nooca aan duuliyaha lahayn. Hase ahaatee Ruushka ayaa diiday in diyaarad uu leeyahay la soo riday.

Ruushka iyo Turkigu muddo dheer ayay isaga soo horjeedeen sida loo waajahayo dagaalka Suuriya iyadoo duqaynta ugu xun uu hadda Ruushku ku hayo.

Ruushku wuxu sheegaa in uu gulufkiisa ku ekeeyey ISIS, laakiin Turkiga iyo xulufada galbeedku waxay sheegeen in dagaalka Ruushku ku wajahan yahay fallaagada aan argagixisada ahayn ee ujeeddadoodu tahay in ay Bashaar Al-Asad meesha ka tuuraan.

Dadweynaha dunida waxa yaab ku noqotay sida sahlan ee Turkigu ugu dhiiraday in uu quwadda labaad ee Milatariga adduun ka soo rido diyaarad dagaal. Sida la malayn karo Turkigu difaac ahaan waxa uu isku hallaynayaa NATO iyadoo uu haddaba codsaday shir degdeg ah oo NATO isug timaad.

Si kastoo ay tahayba, dhacdadan ayaan weli si dhab ah loo saadaalin karin cawaaqibka dhabta ah ee ay yeelan doonto.

Bandhige@gmail.com