Qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo beeniyey in ay odayaal ka qayb-galayaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Qunsulka Hargeysa u fadhiya Turkiga Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in aanay jirin qorshe uu Turkigu wado oo uu ku casuumay oday-dhaqameedka Somaliland si ay uga qayb-galaan wada-hadallo la sheegay in uu dhex mari doono Somaliland iyo Soomaaliya. Sidaas waxa lagu dhigay war-sxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska qunsulka Turkiga ee Hargeysa.

“Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa reer Somaliland in warkaas ku soo baxay saxaafadda maxaliga ah dulucdiisuna ahayd “Af-hayeenka salaadiinta Somalialnd oo xaqiijiyey in ay ka qayb-galayaan wada-hadallada Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aanu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah” ayaa war-saxaafadeedka lagu yidhi.

“Wakhtigan la joogo dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan wada-hadallada laba-geesoodka ah oo aan ka ahayn dawladda Somaliand umana qorshaysna in ay tallaabadaas qaaddo mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan” ayuu yidhi Qusulku.

Qunsulku wuxu ka codsaday ummadda Somaliland in aanay dheg jalaq u siin wararka aan rasmiga ahayn ee aan ka soo bixin xukuumadda Turkiga.

22-kii November ayuu Suldaan Xiiray ku dhawaaqay in hoggaanka dhaqanka ee Somaliland ay ka qayb geli doonaan shir Turkigu u qabanayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Somaliland iyo kuwa Soomaaliya. Dhawaqaas oo buuq siyaasadeed ka abuuray dalka waxa si adag uga jawaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Warancadde, Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacad C. Shire, qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka iyo xildhibaano, kuwaas oo dhammaantood si ba’an u dhaliilay xukuumadda Turkiga iyagoo qaarkoodna ku baaqay in la xidho qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka oo dhammaysitran:

War-saxaafadeed Turki

Bandhige@gmail.com