Xoghayaha Qaramada Midoobay oo ergey cusub ku beddelay Nicholas Kay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Michael Keating u magacaabay in uu noqdo ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhiyaya Soomaaliya isla markaana madax ka noqonaya Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya.

Michael Keating oo dhalasho ahaan Ingiriis ah wuxu sannadihii 2010 – 2012 ahaan jiray madaxa arrimaha bani’aadanimo ee Afgaanistaan. Wuxu leeyahay waayo-aragnimo badan oo la xidhiidha waddamada colaaduhu ragaadiyeen isaga oo horey uga soo shaqeeyey Bariga Dhexe iyo Afrika.

Michael Keating haatan wuxu ahaa la-taliyaha ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Suuriya. Sidoo kale wuxu guddoomiye-xigeen mar ka ahaa mac-hadka daraasaadka ee caanka ah ee Chattam House.

Mr. Keating wuxu xilka la wareegayaa iyadoo aan weli la dhammaystirin maamul-goboleedyadii la qorsheeyey in Soomaaliya laga yagleelo taas oo ahayd shaqadii ugu waynayd ee loo igmaday Nicholas Kay oo jagadan ku fadhiyey laba sanno iyo dheeraad.

Weli lama oga mustaqbalka Nicholas Kay iyo halka uu u shaqo tagi doono.

Bandhige@gmail.com