Somaliland oo ku dhawaaqday in aanay ka qayb galeyn wada-hadalka Soomaaliya, Turkiga iyo Soomaaliyana ku eedaysan farogelinta arrimaha Somaliland

Dawladda Turkiga oo hore u marti-gelisay wada-hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la islal dhex marayaa in ay doorkan bilaabayaan wada-hadallo dhinaca madax-dhaqameedka ah iyadoo qaar ka tirsan madax-dhaqameedka Somaliland ku dhawaaqeen in ay ka qayb galayaan shirka wada-hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya, halka qaar kalena ka soo horjeesteen.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha Cale Warran-cade ayaa sheegay in ay aan Somaliland ka qayb gali doonin doorashada ka dhacay Soomaaliya sannad dambe 2016-ka.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Cale Warran-cade ayaa ku eedeeyey dawladda Turkiga iyo Soomaaliya in ay farogelin toos ah ku hayaan arrimaha Somaliland, taasi oo ku sheegay in wada-hadaladdii Soomaaliya iyo Somaliland ee joogsaday in ay dad shacab ah ku marti-qaadayaan.

Warran-cade ayaa waxa uu sheegay in aanay Somaliland ka qayb galayn wada-hadalladda Turkiga ilaa ay beesha caalamku goob joog ka ahaanayaan.

Dhanka kale Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Guddaha Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkigu waddo ee lagu casuumayo madax-dhaqameedka in aanay ka qayb galayn.

Wasiirka ayaa sheegay in ciddii isku dayda in ay ka qayb gasho shirkaas in ay talaabo sharci ah ka qaadayaan.

Dawladda Turkiga ayaa waxay aad u dananaysaa arrimaha Soomaaliya oo ay u taageerto, halka ay Somaliland ka hesho Turkiga taageer aad u yar marka la barbar-dhigo taageeradda ay siiso dawllada Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay walaac badan ka muujiyeen dhex-dhexaadnimada dawladda Turkiga oo iyadu dabadda ka wadda wada-hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa war ah oo ka soo baxay dawladda Turkiga wali ma jiraan, wixii warar ah ee ka soo baxa arrimaha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliyana kala soco Bandhige.

bandhige@gmail.com