Boobe Yuusuf Ducaale iyo Faadumo Siciid waxay si ba’an u dhaliileen Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddiisa

Xuno ka tirsan madaxda xisbiga Waddani oo kala ah Faadumo Siciid iyo Boobe Yuusuf Ducaale ayaa shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Waddani ee Hargeysa iyagoo si daran u dhalliilay Madaxweynaha, Marwada Koowaad iyo guud ahaan xukuumadda Siilaanyo. Sida muuqata, saraakiishan mucaaridka ahi waxa ay ka falcelinayeen soo-noqoshadii Madaxweyne Siilaanyo iyo safarkii uu ku tagay Ireland iyo sidoo kale wareejintii Haamaha Kaydka Shidaalka.

Xoghayaha Guud ee Warfaafinta Xisbiga Waddani ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku sifeeyey qof aan tahli karayn in uu saddex daqiiqo dadka la hadlo.

“Shalay waxa ka soo degay madaarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aan tahli karayn in uu saddex daqiiqo dadka wax ku yidhaahdo. Nin Wasiir ah oo u cudur-daarayey wuxu yidhi 11 saacadood ayaanu dayuuradda soo saarnayn oo waanu daalanayn. Innagu waxa aynu og nahay in qofka bani’aadamkii haddii uu dayuurad saarnaado 11 saacadood uu daalo, laakiinse ma aynaan maqal dad dayuuradaha ku xabeebta haddii aanay sidii Dalays jinka hawada la hadlayn.”

Boobe wuxu ku tilmaamay Madaxweynaha in xaaladdiisa (caafimaad) mar walba lagu soo durkayo isla markaana maalin walba lagu dirqiyayo wax aanu tahli karayn.

Dhanka kale Boobe Yuusuf Ducaale wuxu faalleeyey safarkii Madaxweynuhu uu ku tagay Ireland. Wuxuna sheegay in uu safarkaasi iska ahaa safar-sharafeed.

“Waxa sheeko la innooga dhigayaa Ireland baa la tagay. Ireland dawlad baa ka talisa. Ra’iisal-wasaare ayay leedahay. Wasiirro ayay leedahay. Madaxweynaha Ireland waa madax-sharafeed sida madaxweynaha Itoobiya. Qaabka loogu tagayna qaab rasmi ah iyo qaab dawladnimo midna muu ahayne xidhiidho kale iyo si kale oo silloon ayaa loogu tagay” ayuu yidhi Boobe.

Boobe waxa kale oo uu aad u dhalliilay qaabka loo af-duubay loona sii daayey. “Haddii markii hore xubnaha la xaday oo la afduubay, macnaheedu waa maxay iyagii (na afduubay) ayaa haddana halkii nagu soo celiyey.

Ugu dambayn, Boobe wuxu xukuumadda ku dhalliilay wareejinta haamaha isagoo tibaaxay in shidaalku uu yahay sir qaran oo ay tahay in aan ganacsato loo gacan gelin, wuxuna qaranimada Somaliland ku sifeeyey mid halis ku jirta.

Faadumo Siciid Ibraahim oo ka tirsan madaxda Kulmiye waxay haweenka wasiirrada ka ah xukuumadda Somaliland iyo marwada koowaad ku cannaanatay in ay xukuumaddu iibisay Women’s club-kii.

“Madaxtooyada ayaa aboor ku noqotay dawladdii, qaranimadii, dastuurkii, sharcigii…dhinac walba. Maanta waxan qirsanahay in dawladdani doonayso in ay Somaliland baabiiso, in ay calankeenii baabiiso, in ay jiritaankeenii baabiiso, waa bi caddaan…bi caddaan…bi caddaan” ayay tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid waxay Madaxweyne Siilaanyo ku sifaysay in waddankii ku dul bururay.

“Haamihii Kaydka Shidaalka ayaa lagu dul iibiyey- hadli karo. Waddankii baa ku dul burburay- ma hadli karo. Dekeddii ay hantidu uga soo degaysay ee uu waddanka ku kala waday- ma hadli karo. Dadkiisii baa la qafaalanayaa- ma hadli karo” ayay Faadumo tidhi.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee shirka jaraa’id ee ay xafiiskooda Hargeysa ku qabteen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Faadumo Siciid.