“Soolar baan ku xidhaynaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium” Dawladda Hoose

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Hargeysa Mubaarik Cabdi-Malow oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in garoonka weyn ee “Hargeisa Stadium” ay ku xidhayaan qalab ilays oo isku xidhan oo iftiimiya garoonka maalmaha ay socdaan wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada.  Qalabkani wuxu ku shaqayn doonaa tamarta qoraxda ee loo yaqaan solar-ta taas oo ah mid aad u kharash jaban isla markaana aan deegaanka wax dhib ah u gaysan.

Xildhibaan Mubaarik Cabdi-Malow wuxu sheegay in sababta ay wakhtigan maalgelintan ugu samaynayaan garoonka ay tahay in si buuxda loo sugo amniga wakhtiga ay socdaan ciyaaruhu iyadoo wakhtiga la sii kala rawaxayo ay dhacdo mararka qaar in dhulku madoobaado taasina ay amniga halis geliso.

Xildhibaan Mubaarik wuxu ammaanay labadii magaalo ee hore ee martigeliyey ciyaarihii gobollada oo kala ahaa Boorama iyo Hargeysa.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee dawladda Hoose xildhibaan Amed-Daahir ayaa tibaaxay in aanay Hargeysa ka dhici doonin arrimihii ka dhacay gobollada qaar (taas oo sida muuqata uu ula jeedo rabshadii maalmihii ugu dambeeyey wareeggii koowaad ka dhacay Boorama) waxanu yidhi:

“Haddii aanu nahay Golaha Deegaanka ee Hargeysa dhammaan gobollaa waan ku soo dhawaynaynaa Hargeysa. Haddii ay xagxagashooyin ka dhaceen gobollada qaar Hargeysa ka dhici maayaan. Amnigeeda waan sugaynaa oo annaga ayaa ka masuul ah” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Daahir.

Xildhibaannadu waxa ay dhallinyarada reer Hargeysa ugu baaqeen in ay gacmo-furan ku soo dhaweeyaan dhallinyarada ka imanaysa gobollada kale ee Hargeysa u iman doontaa ka-qayb-galka wareegga labaad.

Wareegga labaad ee ciyaaraha ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo garanayn wakhtiga ay bilaabmayo maadaama aanay Wasaaradda Ciyaaruhu weli soo dhejin, hase ahaatee filashada dhallinyarada iyo guud ahaan dadweynaha ayaa ah in ay bilaabmi doonaan maalmahan foodda innagu soo haya.

Bandhige@gmail.com