Booliska Ingiriisku waxay shaaciyeen magaca qofkii ka dambeeyay weerarkii Manchester

 

Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa ayuu ahaa qofkii geystay weerarka Manchester oo 22 qof ay ku dhinteen sida uu sheegay booliska.

BBC-du waxay fahansan tahay inuu ku dhashay Manchester asal ahaana uu ka soo jeeda Liibiya.

Abedi iyo seddax carruur oo ay la dhalatay ayaa waxay marar kala duwan degeen xaafado ku yaalla Manchester oo mid ka mid ah boolisku ay baadheen.

Faahfaahin dheeraad ah oo intaa badan wali ma ay bixinin boolisku oo ku saabsan ninkan.

Qaar ka mid ah 22 qof ee u ku dhimatay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda. 16 ka mid ah waxaa la sheegay in ay ahaayeen carruur.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Istaanka tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xidhay, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Booliska ayaa wali hawlgal ka wada magaalada Manchester.

bandhige@gmail.com