Boqorka Sucuudigu wuxu amray in la kordhiyo mushaharka shaqaalaha dawladda

 

Shaqaalaha dawladda Sucuudiga ayaa la siin doono lacago dheeraad ah kaasi oo loogu talo galay in iskaga bixiyaan cashuuraha cusub ee lagu soo rogay, korodhka iibka alaabaha iyo qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

BoqorKa Sucuudig Boqor Salmaan Bin Cabdalla, ayaa amar ku bixiyay in mushaharka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sannadka soo scocda.

Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta cashuuraha.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa aad u laba jibaartay qiimaha shidaalka ee guddaha Sucuudiga, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale cashuur gaadheysa boqolkiiba 5%.

Dawladda Sucudi Carabiya waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.

Dawladda Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta ayaa sidoo kale cashuur gaadheysa bqolkiiba 5% kusoo rogtay alaabaha la iibiyo.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dawladdu ka caawin doonto bixinta cashuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yemen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacaga gaadhaya in ka badan $1,000.

bandhige@gmail.com