Madaxweyne Muuse Biixi wuxu safarkiisii koowaad maanta ugu ambabaxayaa dalka Jabuuti

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxaya dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Socdaalka madaxdeyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu horkacayo ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ugu socdaal dibedda tan iyo markii la doortay 13-kii bishii November 2017.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay saaka in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doona labad maalmood.

Wasiirku wuxuu sheegay sidoo kale in labada dhinac ee walaalaha ahi ay ka wada hadlayaan sii xoojinta xidhiidhkooda dhinacayada ganacsiga, socdaalka, nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqanka ee hore uga dhexeeyay.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaadhnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarllamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Muuse Biixi.

bandhige@gmail.com