Burco: Carruurta tuulada Xayira oo helay fursad waxbarasho oo bilaash ah

Boqol iyo labaatan arday oo da’doodu u dhexeyso 7 ilaa 12 sano jir ayaa ku biiray dugsi hoose/dhexe oo laga furay tuulada Xayira oo 80 km dhanka bari ka xigta degmada Burco. Labo iyo laatan ka tirsan ardaydaas waa gabdho, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Suleymaan Ismaaciil oo ah maamulaha dugsiga.

Dugsiga oo la furay 28-kii bishii la soo dhaafay ee Agoosto ayaa ka kooban qeyb wax laga barto iyo qeyb ay ardaydu jiiftaan, si haddii qoysaska ay ka soo jeedaan oo xoolo-dhaqato ah marka ay hayaamaan aanay waxbarashada uga tagin ama uga kala go’in. Agabka waxbarasho, labiska iyo waxbarashaduba waxay ardaydu u tahay bilaash.

Dadka ku nool tuulada ayaa carruurtooda waxbarasho ugu diri jiray Burco, iyaga oo u geynaya dad eheladooda ah oo ay la noolaadaan inta waxbarashadu u socoto. Laakiin hadda taas way ka maarmayaan, waxaana socda qorshe dugsi sare looga hirgelinayo tuulada.

Dadka carruurtooda Burco u diri jiray si ay waxbarasho ugu helaan waxaa ka mid ah Cawil Cali Khaliif oo labo k atirsan carruurtiisa ay hadda dugsi sare ka dhigtaan Burco.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in hadda uu dugsiga tuuladiisa laga furay geystay 5 carruur ah oo saddex ka tirsan ay dhigtaan dugsiga dhexe.

“Culeysyadii waxbarasho la’aan ee na haystay ayuu naga dejiyay,” ayuu yiri Cawil oo ah aabbaha 9 carruur ah, tuuladana ku haysta 30 neef oo ah ari uga soo badbaaday abaarti.

Waxaa sidiisa oo kale dugsigan carruur gaystay Idil Suleymaan Aadan. Labo wiil oo ay dhashay oo kala jiro 7 sano iyo 10 sano ayay keentay dugsiga.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inaysan haysan dhaqaale ay carruurteeda ugu dirto Burco, taasna ay ku hayn jirtay walaac badan iyo halka ay uga heli lahayd waxbarasho, balse ay hadda fursaddaan ayaa u suurta gelisay inaysan ka welwelin waxbarashada carruurteeda.

Suleymaan Ismaaciil oo ah maamulaha dugsiga laga furay tuulada Xayira, ayaa sheegay in qalabaynta iyo waxbarashada aydayda loo qoondeeyay bil kasta inay ku baxdo 5 kun oo doolar, taas oo ay maareeyaan qurbe-joog ka soo jeedda deegaanka oo hirgeliyay dhismaha sugsiga.

Idil oo qoyskeeda ay ku xoolo beeleen abaarti, waxay nolol-maalmeedka qoyskeeda ka soo saarataa dhuxul ay ku iibiso waddo tuulada marta oo isku xirta Burco iyo Ceerigaabo. Waxay maalintiba heshaa lacag dhan 10 kun oo shilinka Somaliland ah una dhiganta $1.

Waxa ay sidoo kale tuulada ku dhaqataa 13 neef oo ari abaarti uga soo badbaaday ah, waana hooyo haysata 5 carruur ah.

Dadka ku nool tuulada Xayira, waa dadkii ku cayroobay abaarti, oo qaarkood ah dadka tuulada horay u degganaa iyo qaar kaloo ku soo hayaamay xilligaas.

Xigasho: Radio Ergo