Itoobiya waxay dhul hore loo siiyey kala noqotay Ganacsade Al-Cammuudi

Xukuumadda Itoobiya ayaa shalay shaacisay in ay dhul cabirkiisu yahay 412.6 hiktar oo ku yaalla magaalo-madaxda dalkaas ay kala noqotay ganacsadeyaal uu ka mid yahay ninka u dhashay Sucuudiga ee Bilyandheerka ah Al-Camuudi.

Shirkad ka mid ah kuwa Al-Cammuudi ayaa 33,000 square feet la siiyey 2005tii waxay ballan qaaday in ay magaalo casri ah ka dhisayso dhulkaas oo ku yaalla duleedka Addis Ababa. Hase ahaatee dayr weyn bay ku xidhatay, dibna uguma ay soo noqon. Sidaa waxa yidhi madaxa Baanka Dhulka ee Itoobiya Tesfaye Tilahu.

Dawladda cusub ee ka dhalatay Itoobiya ayaa u muuqata in ay wada-xisaabtan ku bilawday shariikadihii ganacsiga ee ay xukuumaddii hore siisay dhulka dawladda si ay u maalgashadaan.

4tii November 2018 ayaa Al-Camuudi lagu xidhay Sacuudi Carabiya iyadoo lagu eedeeyey musuq-maasuq. Walina waa xidhan yahay.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com