Laba buug oo ay Somaliland ka qortay Margret Laurence oo ka mid ahayd qoreyaasha iyo abwaannada ugu caansan Canada ayaa fiidkii xalay lagu soo bandhigey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Cabdi Muxumed Jaamac (Cabdi-Cadde) oo ka mid ah aqoonyahanka qurbejoogga ah ee Somaliland ayaa madasha ka jeediyey nuxurka ay xambaarsan yihiin labadan buug oo la kala yidhaa Tree for Poverty iyo The Prophet’s Camel Bell, buugaagtaas oo ay Margret Laurence qortay lixdameeyo sanno ka hor. Waxa madasha daadihinaysay Huda Cali-Banfas oo ka mid ah qoreyaasha Somaliland.
Margret Laurence ayaa sannadkii 1950 soo raacday saygeedaย Jack Fergus Laurence oo wakhtigaas ka shaqaynayey mashruuc lagu horumarinayey kaydadka biyaha ee deegaannada miyiga ah. Waxaanay Somaliland ku sugnayd ilaa 1952, muddadaas oo ay u suurto gashay in ay noloshii wakhtigaa ee Somaliland u kuurgasho kana qorto buugaag.
Sida uu Cabdi xusay, magaca buugga “Tree for Poverty” waxay Margret ka soo qaadatay gabayga caanka ah ee “Goodiga Bancawl buu faqrigu geed ku leeyahay“.
Cabdi Jaamac ayaa sheegay sababta uu buugaagta Margret Laurence u soo bandhigay ay tahay in noloshii qalafsanayd ee ay 60 sanno ka hor gabadhaasi wax ka qortay ay wali ka jirto Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay ayaan-darro ay sabab u tahay hoggaan-xumo mudda dheer ummadda soo haysatay. Waxaanu tusaale u soo qaatay in biyo la’aantii wakhtigaa jirtay oo buugaagtani warinayaan ay wali tahay dhibaato ka jirta Somaliland, xataa ay jirto magaalo-madaxda Somaliland, Hargeysa.
Cabdi wuxu sheegay in isaga iyo Maxamed Haaruun oo ka mid ah qorbe-joogga Somaliland ay qaybo ka turjumeen buugaagtan isla markaana uu ku talo jiro in uu dhammaystiro tujumaadda buugga Tree for Poverty si jiilasha hadda soo kacay ee Somaliland ay wax uga ogaadaanย sida ay u ekayd noloshii awowyaashood.
Ugu dambayn waxa labada buug falanqeeyey ka qaybgalayaashii madasha iyagoo su’aalana ka weydiiyey Cabdi, kuwaas oo la xidhiidhay horumar iyo dib-u-dhac ka ay Somaliland ku tallaabsatay marka la eego waayii wakhtigaa jiray.
Margret Laurence waxay geeriyootay sannadkii 1987 iyadoo ay da’deedu ahayd 60 jir. Muddadii ay noolayd waxay qortay buugaag labaataneeyo ku dhaw. Sidoo kale waxay caan ku ahayd sheekooyinka gaagaaban ee male-awaalka ah.
Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo kulanka martigelisay ayaa ah madal lagu soo bandhigo buugaagta isla markaana lagu falanqeeyo mawduucyada bulshada muhiimka u ah sida dhaqanka iyo arrimaha bulshada.
Bandhige@gmail.com