Waa barnaamij caawinaaya macalimka una sahlaaya inuu kor u qaado mihnadiisa macalinimo.
Baruhu waa wastaad dhisaya ummad ama jiil korriin jodheed iyo koboc maskaxeed u socdo. Nebbi Maxamed ayuu ahaa macalinkii ugu weynaa ee dunida soo mara sida xataa gaalku qirayo. Soddon jis oo Qurโaan ah ayuu ku shubay quluub uu shirki dishooday. Hab-dhaqan dhammaystiran ayuu baray ummada islaamka.
- Sideed ku noqon kartaa Macalim fiican
Waxaa hubaala in macalim kastaaba uu doonaayo inuu macalim fiican noqdo oo ardaygiisa uu hanto maskaxdiisa iyo maankiisa si uu ugu reebo xusuus ma Guurto ah una dhacsiiyo cilmi iyo aqoon xeel dheer. Hadaba waxaa hubaala inuu fuliyo qodobadan si uu u noqdo sida aynu sheegnay.
- Macalimka wanaagsani wuxuu aqoon xeeldheer u leeyahay maadada uu dhigaayo ama uu baraayo ardeyga waayo haddii Macalimka ay yartahay aqoonta uu u leeyahay maadada waxaa dhacaysa inuu si fiican u tabin Kari waayo casharka uuna ku hafto waxaana lumaysa ujedadii uu lahaa inuu gaadho.
- Macalimka wanaagsani wuxuu kasbada xayndaabka fasalka.
Macalimka wanaagsani wuxuu kasbadaa fasalka macnaha wuxuu ka war hayaa dhamaan dareenka ardeyda fasalka fadhida.
- Wuxuu qorsheeyaa casharkiisa
Macalimka wanaagsani waa mid ay u qorshaysantahay xiisada uu dhigaayo si uu ugu saleeyo shaqada ardeyga iyo dhacsiinta casharka uu bixinaayo.
Wuxuu casharkiisa u qoondeeyaa sida
Xiisadu waa 45daqiiqo
- 5 daqiiqo isku xidhka casharkii hore iyo kan dambe
- 15 daqiiqo qorida casharka
- 15 daqiiqo sharxaada casharka
- 5 daqiiqo waydiimo ku saabsan casharka.
- 5 gabagabaynta casharka iyo udirida shaqda guriga.
Lasoco qaybaha dambe
Qalinkii Cabdi Caawiye
Tel: ย +252634115877