Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu booqday xabaashii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo wefti uu hoggaaminayo oo haatan ku sugan Gobolka Saaxil ayaa waxa uu shalay booqday xabaasha Alle ha u naxariistee Madaxweynahii labaad ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxame XaajiIbraahim Cigaal una soo duceeyey.

Weftigan ayaa markii soo galeen xabaasha waxay faataxo u mareen una duceeyeen marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyaga oo Alle uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kalena u ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa,

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ducadii ka dib halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in uu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ahaa shakhsi ku suntan taariikhda Somaliland isla mar ahaantaana baal dahable ka soo qaatay hirgelinta nidaamka dawladnimo ee ay Somaliland illaa hadda ku nabad iyo caano maashay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxa aanu soo booqanay xabaasha Madaxweynahii labaad ee Somaliland, oo taariikhweyn ku lahaa Somaliland, wakhtigii halganka ee isticmaarka Ingiriiska la kicinaayey, Soomaaliya oo uu Raysal -wasaare ka noqday iyo weliba Somaliland oo uu iyadana Madaxweyne uu ka noqday, waxa kale oo uu ku suntanaa in dhismaha Somaliland ee dawladnimo ee uu tiirarka u taagay, waxa uu ahaa nin taariikhweyn ku lahaa Soomaali, Somaliland iyo Afrikaba, waxa aan Illaahay uga baryeynaa Marxuumka oo isna aabahii ku aasan yahay Xaaji Ibraahim Cigaal, in iyagana uu Illaahay naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo, demi dhaafna uu siiyo, waxa innagu waajib ah uun in aynu u duceyno, innagana uu Illaahay innooga daba naxariisto, Illaahay dembigiisa ha dhaafo…..Illaahay dembigii waalidkiisa ha dhaafo….Illaahay innagana ha ajarkeeda ha inna siiyo, hana innoo dembi dhaafo,,Amiin..Amiin..

Weftigan Waddani ayaa waxa ku sugan yihiin gobolka Saaxil oo maalintii shalay ka bilaabantay diwaangelinta codbixiyayaasha oo socon doonta muddo 28 cisho ah.

bandhige@gmail.com