Guddoomiyaha Kulmiye oo soo kormeeray bilowga diwaan-gelinta codbixiyayaasha Berbera

Guddoomiyaha Kulmiye  ahna murrashaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa shalay soo kormeeray hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee guud ahaan ka bilaabantay Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera.

Guddoomiye Muuse Biixi oo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ku tageen Gobolka Saaxil si ay uga qaybqaataan hawsha qaran ee qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka u qorshaysan horraanta sannadka 2017, waxa isaga iyo madaxda kale ee xisbal-xaakimku kormeereen goobo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangalinayo ee Berbera gudaheeda si u qiimeeyaan habsami-u-socodka diiwaangelinta, isla markaana waxa dadweynaha ku dhiirri-gelinayeen ka qayb qaadashada diwaan-gelinta.

Muuse Biixi Cabdi oo bilaabay kormeerkiisa kadib xaflad kooban ayaa waxa uu booqday dhawr goobood diiwaan-gelintu ka socotay, sidoo kale waxa xog-waraysi la yeeshay hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu ugu socoto iyo in ay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxay ku dhiirigelinayeen dadweynaha in ay u dulqaataan kulaylka iyo kuyuugga qaadashada kaadhka codbixinta.

Dhinaca kale Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xafladda shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Saaxil waxa uu ku hambalyeeyey Komishanka Doorashooyinka iyo shaqaalaha fulinaya diiwaangelinta shaqada ay hayaan iyo xamilka culayskeeda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“Diiwaangelinta codbixiyayaashu waa hawl qaran oo aynu u midaysan nahay, islamarkaana aynu is-diiwaangelino, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in ay inoogu dhammaato nabadqab halkan iyo saddexda gobol ee hadhay, Ilaahay ina gaadhsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo la qabtay wakhtigeedii.”

Guddoomiyaha Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa waxa beryahanba ku sugnaayeen Gobolka Saaxil oo ay ka socoto diwaan-gelinta codbixiyaha oo ay dadka ku dhiirigelinayaan qaadashada kaadhka codbixinta.

bandhige@gmail.com