wefti oo uu hoggaaminayo musharaxa Jagaddda Madaxweyne ee xisbiga UCID oo gaadhay Gabiley soona kormeeray goobaha diwaan-gelinta

wefti oo uu hoggaaminayo musharaxa Jagaddda Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu shalay safar kormeera iyo dhiirigelinta diwaan-gelinta codbixinta oo shalay ka bilaabantay gobolada Hawd, Gabiley iyo Saaxill.

Weftigan ayaa waxa dadweyne aad u tiro u badani ku soo dhoweeyeen duleedka Gabiley, soo dhooweyn kadib Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa la hadlay dadweynihii soo dhoweeyey oo u sheegay in ay ka qayb qaataan diwaan-gelina codbixiyaha doorashooyinka Somaliland ee haatan ka socoto Gobolka Gabiley.

musharaxa Jagaddda Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen isagoo la hadlaya dadweynaha ayaa waxa uu yidhi:

โ€œMaanta waxaanu u soconayaa in ay aanu kala qaybgalno dadweynaha reer Gabiley bilowga diwaan-gelinta codbixiyaha iyoย  in aan ku dhiirigelino qaadashada kaadhka diwaan-gelintaย  codbixiyaha.โ€

Dhanka Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhoweeyey taagerayaal kasoo digo-rogtay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye.

Halkan hoose ka daawo warka soo dhoweynta Jamaal Cali Xuseen:

https://www.youtube.com/watch?v=jI0c9bRmUC4

bandhige@gmail.com