Madaxweyne Obama ayaa waxa uu ugu baaqay musharaxiinta u tartamaya jagada Madaxweynenimo ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga in ay ka fogaadaan hadalada dhalinaya khilaafka iyo kala qoqobka bulshada Maraykanka.
Baaqan Madaxweyne Obama ayaa waxa uu imanayaa kadib markii uu ninka ugu cadcad musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee caadaystay Muslim nacaybku uu u baajiyey isu-soo-bax u baajiyey kadib markii dibadbaxayaal cadhaysan gadood kala horyimaadeen mudaharaad lagu diidan yahay magaalada Chicago.
Musharaxiinta labada xisbi ayaa waxa ay ku eedeeyeen Trump in hadaladiisa aan loo meeldayin ay kicinayaan qalalaase, eedahaasi oo uu iska fogeeyay.
John Kasich, oo ah mid ka mid ah ragga ay aadka isku hayaan, ayaa sheegay in Trump uu abuuray deegaan sumaysan iyo sameeyeyna nacayb uu bulshada Maraykanka dhex-dhigay.
Musharaxa ugu cadcad Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton, ayaa iyana u sheegtay codbixiyayaasha in ay iska diidaan siyaasadaha ku salaysan cagjuglaynta iyo midab kala sooca.