Canada: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Heer Sare ah Loo Soo Dhaweeyay

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuradda somaliland , Mudane. C/raxmaan C/laahi ismaciil (Saylici) iyo Weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay Dalka Canada waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay Caasimada Dalka Canada ee OTTAWA. waxaana soo dhaweyta madaxweyne ku xigeenka Madaarka Maagalada Ottawa ugu diyaar ahaa Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqanka Dalka Canada, iyo Wakiilka somaliland U Fadhiya Dalkaasi Canada, Waxaanay Madaxweyne ku xigaanka iyo waftigiisa ay u Galbiyeen Huteel wayn oo ku yaal badhtamaha Magaaladda Ottawa..

Intaa waxaa xigi doonto kulan casho sharaf ah oo maalinta sabtida madaxweyne ku xigeenka iyo jaaliyadda reer somaliland wada yeelan doonan, Taas oo ka dhici doonto, Westin Hotel

Madaxwayne ku xigaanka somaliland ayaa maalinta Axada ah ee Taariikhdu tahay 19 bisha, Kulan Wayn la yeelan doona Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan, Canada, Islamarkaana uga warami doona Dalkoodii Hooyo