Iraq: Madaxweyne kuxigeenkii Saddam oo la dilay

Madaxda dalka Ciraaq ayaa sheegaya in Izzat Ibrahim al-Duuri, oo loo maleynaayo inuu yahay qofka keli ah ee ka noolaa maamulkii Saddam Xuseen la dilay.

BBC-du weli faafaahin ku saabsan geerida AL Duuri kameysan helin dowladda, balse sawiro iyo sharaxaad lagu sheegayo dilka ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta lagu baahiyay.

Sarkaalka ugu sareeyo ciidamada ciraaq Haydar al-Basri ayaa TV ka sheegay dhacdada inay dileen Al-Duuri.

Waxa uu tilmaamay in howlgal gaar ah lagu dilay, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa “dembiile”. wuxuuna intaa raaciyay in sagaal ka mid ah ilaaladiisa lala dilay.

Laakiin afhayeen u hadlay xisbiga Bacas, ee uu ka tirsanaa Mr Duuri ayaa beeniyay wararkaasi.

Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Ciraaq, horeyna u ahaan jiray lataliyihii amniga ee qaran, – Mowaffak al Rubaci – ayaa BBC-da u sheegay in baaritaan lagu aqoonsanayo qofka la dilay uu bilowday.

Wuxuuna xaqiijiyay in dhiigga hida sidaha laga qaaday loona diray safaaradda Mareykanka oo baaritaanka sameyneyso.

Mr Al Rubaci waxa uu sheegay haddii la xaqiijiyo geerida Duuri, inay guul weyn u tahay muqaawada dalka Ciraaq.

Waxa uu sheegay in dilkiisa ay dhiiragelin u tahay kooxaha jihaaddoonka ah, sidoo kalena aysan wanaagsaneyn niyad ahaan iyo nafsad ahaan in Al-Duuri la dilo.

Dowladda Ciraaq waxa ay aaminsan tahay inuu ka mid yahay aasaasayaasha ururka Daacish.