Casharada aan ka baran karno Askarteena Wanaagsan ee Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Taraafikada Somaliland.

 

Ugu Horreyn Somaliland Saxmada baabuurto waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu dhibta badan ee waddooyinka qaarkood si maalinle ah ugu qabsada gaadiidleyda ku socdaasha.kuwaasi oo wakhti badan madaxa iskula jira in badana taagnaada jidadka qaarkood,haddabamashquulkaasibadanimaahamid darawalku gaar u leeyahay ammaaskariga taraafikada ahi uu keenay waase mid aynu dhammaanteen wax ku leenahay qeybna ka nahay.Dal kasta oo adduun weynaha ah hakadka iyo saxmadu waa wax ka mid ah noloshooda caadiga ah,sidoo kalena waa wax guud ahaan caasimaddaha iyo dunida guud ahaanteed ka jira taasi oo dad badan ku qasabtey in ay iska dhigaan baabuurtoodi khaaska u aheyd kana doorbidaan gaadiidka dadweynaha sida basaska iyo tagaasida.

Inta Gadiidleydeenu ay jidadka marayaan ama ay ishaarada taagan yihiin qeybo badan oo ka mid ah ayaa isku buuqsan,deg-degsan,isla markaasina aflagaado iyo cay ay kala gaadhaa,iyaga oo si aan kala joogsi laheyn aleelka iyo hoonka baabuurta isugu tuma,taasi oo ku dhalisa in darawalkeena somaliland uu si khaldan u dhaqaaqo isaga oo ku tallaabsanayaa falal sharciga waddooyinka iyo jidadkaba baal-marsan iyo anshax xumo aflagaado oo ay askarta taraafikada wadooyinka ula tagaan.

Waa Xaqiiq in somaliland Darawalnimada iyo Wakhtiga isku socodka waddooyinku in badan oo inaga mid ah cashar nololeed iyo waayo aragnimaba ay ka barteen taagniada wakhtiga dheer ee waddooyinka halbawlaha u ah caasimadda.Taraafikada iyo isku socodka waddooyinku waxa ay muwaadinka noloshiisa baraan dulqaadka iyo samirka,Maxaa yeellay Askarta Nabad-gelyada waddooyinka,Sharciyada jid marista iyo u hoggaansanka wakhtiga isku socodkuba waa mid aynaan marna iska indho tiri karin.

Deg-dega badan,Dulqad la,aanta,Sharci-darrada iyo Af xumadu waa kuwo in badan oo inaga mid ah ku sababey shilal iyo ganaaxyo lacageed,waxase aynu kaga baaqsaneynaa dulqaadka iyo samirka oo ah laba sifo oo shakhsiyadeena iyo qofnimadeena wax weyn ugu fadhiya.Marka aad lumiso Dulqaadka iyo Samirka waxa aad ku guuldareysaneysa Dagaalka,in aad samir iyo dulqaad badan tahay wax ay qeyb laxaadleh ka qaadata Guusha aynu gaadhno.

Dhanka kale waa in ay gaadiidleydeena     sida joogtadaah ugu safra guud ahaan Jidadka caasimaddu ogadaan in ayna marna ka dhex bixi karin Saxmada ay jidadku sababaan,waayo isaga oo qofku mid ka soo baxey oo xawaare sare ku socda ayuu haddana mid kale oo aan ka fogeyn soo istaagayaa,taasi oo ku keeneysa in uu xawaaraha dhimo,wakhti kalena taagnaado oo Jidkaasi ku xanibnaado.Qunyar socodka jidadku waxa ay dhalisa in aan si degani iyo nabadgelyo ku gaadhno meesha aan u socono.Socdaalku waa talaabooyin is xig xiga oo la isku geeyey si loo gaadho halka la beegsanaayo iyada oo qofka gaadiidleyda ah looga digaayo xawaaraha sarre

Qeybta dambe ee Qorraalka waxa aan Aragti ka dhiiban doona Mid ka mid ah Askarteena wanaagsan ee Nabadgelyada wadooyinka Caasimadda Hargeisa kaasi oo hadda dadweynaha iyo shacabka caasimadda ee Jidkaasi ku safraa ay ka barteen cashar la xidhiidha askariga wanaagsan ee shaqadisa iyo dalkiisaba daacada u ah.

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com