In Ka Badan 1000(Kun) Qof Oo Falastiiniyiin Ah Ayaa Laga Cabsi Qabaa Inay Ku Hoos Jiraan Burburka Guryaha Ay Duqaynta Arxan Darrada Ah Ku Hayso Israaโiil Maalintii Tobnaad Ee Magaalada Qaza.
Xafiiska Isku-Xidhka Banii Aadantinnimada Ee Qaramada Midoobay Ayaa Ka Digay In Kaydii Shidaal Ee Ugu Danbeeyay Ee Cusbitaallada Qaza Uu Gabaabsi Yahay Isla Markaana Laga Yaabo In Saacadaha Soo Socda Ka Goโo.
Xamaas Ayaa Sii Wadda Gantaalaha Ay La Beegsanayaan Gudaha Israil.
Ururka Xisbullah Aya Ganaalo Isna La Eegtay Qaybo Ka Mid Ah Israil.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Ayaa Uga Digay Israaโiil In Haddii Ay Qabsato Qaza Ay Taasi Tahay Khalad Weyn, Isla Markaana Uu Taageersan Yahay In La Sameeyo Marin Nabdoon Oo Dadka Qaza Loo Mariyo Caawimooyinka Baniiโaadantinnimo.
Marinka Qaza Ayaa Marka Horeba Ah Qayb Ka Mid Ah Dhulka Ay Haysato Israaโiil Iyada Oo Xakamaysa Waxa Galaya In Waxa Ka Baxaya
Israaโiil Ayaa Kumannaan Ciidamo Ah Soo Dhoobtay Xadka Magaalada Qaza, Iyada Oo Laga Cabsi Qabo Inay Halkaasi Ku Qaaddo Weerar Dhulka Ah.
Somaliland News Agency
Cabdiraxmaan Hayaan