Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in ay ku talo jirto in qaybta madow ee dayaxa ay ka degto 2018 isla markaana meeraha caanka ah ee Mars, kaas oo aan weli cidi gaadhin. Sidoo kale Shiinuhu wuxu ku talo jiraa in uu soo sahamiyo meeraha Jupiter oo dhulka ka wayn iyo dayaxyadiisa.
Xukuumadda Shiinuhu waxay sheegtay in hadafkeedu yahay in sannadka 2030 ay ka mid noqoto awoodaha ugu waaweyn dhinaca hawada sare, isla markaana ay wada-shaqayn la samayn doonaan hay’adaha kale ee caalamiga ah ee dhinaca hawada ku hawlan marka laga reebo hay’adda NASA ee Maraykanka.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa u muuqda in ay u soo jeedsadeen sahaminta hawada sare, halka Maraykanku uu hoos u dhigay kharashkii lagu bixin jiray NASA intii uu Barack Obama xilka hayey.
Waa markii koowaad ee China muujiyo doonitaan dhab ah oo ay u qabto hawada sare tan iyo intii uu bilaabmay tartanka hawada sare laga soo bilaabo badhtamihii qarnigii 20aad.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com