Ciidamada Booliska oo rasaas kula eryey ardayda dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali mudaharaadayey

Ardayda dugsiga sare ee Maxamuud Axmed ayaa waxay saaka dhigeen mudaharaad salmi ah ka dib markii laga eryey 12 macalin oo ah kuwii wax u dhigayey, maamulihiina laga bedelay, sidoo kalena lagug kordhiyey lacagtii ardayda laga qaadi jiray.

Arday ayaa waxay mudaharaadkooda ka soo bilaabeen dugsigood oo ku socdaan xarunta wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla Gobolka, balse intii aanay soo gaadhin ee ay marayeen halka uu ku yaallo cisbitaalka Gargaar ayaa waxay booliska kala hor tageen rasaas taasi oo ku kala eryeen ardaydii mudaharaadka samaynaysay.

Qaar ka mid arday oo warbaahinta la hadlay mudaharaadka ka dib ayaa sheegay in ay wasaaradda ka dalbanayaan in cabashadoodu la tixgaliyo, balse aanay jawaabin u noqonayn cabashada rasaasta maalinta booliska ooda kaga qaaday.

Halkan hoose ka daawo warka mudaharaadka:ย 

http://www.hctv.tv/?p=25976

bandhige@gmail.com