Weftigii uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Ciro” oo muddooyinkii dambe socdaal kormeer ah ku gaalaa-bixinayey ayaa waxay maanta gaadheenToqoshi iyo Law-yacaddo.
Weftigan oo u jeedkiisu ahaa kormeeridda habsi-socodka diiwaan-gelinta codbixiyaha ayaa waxa lagu soo dhoweeyey magaalooyinka Toqoshi iyo Law-yacaddo.
Waxaana guud ahaan soo dhaweynta weftigan oo ay ka qeyb-qaateen guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku soo dhaweynayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo, iyaga oo tilmaamay in guddoomiye Cirro uu yahay shakhsiga qudha ee qarankan u jeexi kara dariiq tolmoon oo guud ahaan dalka ka abuura isbedel la mahadiyo, waxa kale oo ay carabka ku dhufteen in ay hore ugu hungoobeen xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana aanay sida oo kale dooran karin shakhsi ku sifoobay ka’kanaan iyo ad-adeyg.
Weftigan ayaa waxay la hadleen dadweynihii soo dhoweeyey, waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay soo dhoweyntan Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, xildhibbaan Cali Aareeye iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo iyaguna khudbado kala duwan ka jeediyey deegaanaddaasi, ayaa mahadcelin ballaadhan ka bixiyey qaabkii tolmoonayd ee looggu qaabilay sida oo kalena looggu soo dhaweeyey guud ahaan deegaanaddaasi, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay diyaar u yihiin in ay si dhabba u hirgeliyaan waxna uga qabtaan guud ahaan baahiyaha ka jira deegaanadaasi.
Ugu dambeyntii waxa goobtaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinaayo soo dhaweynta aan juujuubka lahayn ee ay ku qaabileen dadweynaha reer Lawyacaddo iyo Toqoshi, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay u soo gudbiyeen.