“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 2aad

Harraad ku ma karo Cali, oo geela 20-qadka ah iyo isagu waa isku kal. Dano badan oo carruurnimo ayaa haya, laakiin ma jirto cid uu u sheegtaa. Gaajada wuxuu isaga dhigaa midhaha hohobta, gomoshka, dhafaruurta, madheedhka iyo midhcaanyada oo milayba midi bisishahay. Xilliga naq-horaadka ee ay midhihu curubta yihiinna wuu iska curdinsadaa. Jinaw-dhanaanka, gacayrada, maroorada iyo askaxduna iyagu waxay uga dhigan yihiin salladhka ay maanta cunaan reer-magaaluhu. Xabagta cadaadda iyo bilcilku iyana waa u sahay kale oo ugu filqan ayda jiqda ah ee geelu daaqo. Cabdi-gaas ayaa u kala tilmaama dhirta qadhaabka ah ee la cuni karo, iyo ta dhiro-dhabatada iyo dhallaan-laayaha ah.
Faarax-goray waa qoor-joog fallaag ah, geeliisu wuxuu daaqaa af-toollinta ugu baallaysa geelasha geel-xerta ah ee raga wataa dushana ka wada jirto, gaarkana u kala jirto. Waxaa ku mudan, oo aanu maalin keliya ka samrin, habeen keliyana ka seexan rayfalkiisii dhega-darmaanka ahaa, ee uu guddoonsiiyay xaaji-Guhaad oo aabbe u ah Dhudi oo Cali hooyadii ah. Marna qorshaha kuma daro, in qoriga aanu sabab-la’aan bixine, uu ku hantay quruxdii Dhudi oo tima-tidcan, iminkana uu macaash joogo, oo inankii ay Dhudi ku curatay golaha geela joogo. Geelii uu bixiyay ee yaradka ahaa huur weyn kuma hayo, oo wuxuu og yahay, xaaraan iyo xalaal kuu yahay ha joogtee, in xeeladdii, xarfaddii iyo xiniinyihii uu geel ku heli lahaa aanay weli ka dhammaan, kana dhadhawayn. Dab la’aan geela la xergeeyaa, kama duwana xoolo tadcaar la qabadsiiyay, sidaas darteed ayuu u ammaanaystay madhiin-yarihii uu aabbohood Geelle yaradka uga qaatay inantiisii Qarad, sannadkii ka dambeeyay maadh-gembiya, ee ka dhexeeyay isaga iyo walaalkii Diiriye-gooraan. Qorigan maadhiin-yaraha, wuxuu beri hore geel kaga sintay walaalkiisa ka weyn ee Diiriye-gooraan oo Cabdi-gaas aabbihii ah. Inta uu u xidho kashaddii feedha-cadda ahayd ee uu ka lexe-jeclaystay rayfalkii uu yaradka u bixiyay, iyo ablaydiisa sawaaxilada ah ee saddex-geesta ah, ayuu garabka bidix sudhaa, oo uu diyaar u yahay, in dab iyo geel wixii uu ku boolyi karoba aanu ka habsaamin!
Marka kalka geelu soo galo, wuxuu u kala dooraa inuu ka soo waraabiyo harooyinka sare, iyo inuu qabadsiiyo ceel-dhanihii waqooyi ee uu saddex-guulka kaga soo cabbi jiray –laba habeen oo guul oomman ah, oo uu habeenka dambe dar-fadhi yahay, iyo habeenka saddexaad oo uu guul cokan yahay.
Subax dhaweyd oo kalkii geelu berri oo kale yahay, ayuu Faarax-goray intii aan geela la godlin ku soo wareegay intan qaalimmada ba’ananka ahi ku laacdamaan. Hore ayuu u yara socday, oo is yidhi kobtaa hore ku soo kaadi. Sababta saaka ku dhalisay inuu kor-joogahan gaaban sameeyaa, waa daymadii fiidkii uu baar-qabka ina-Saqaaf, labada jeer ee kala dambeeya jalleecay xerada dhabarkeeda. Baar-qabka oo haatan da’furay, ma galo xerada ee meel ka go’an bannaysinka geela lagu godlo ayuu fadhiistaa, oo ku leeyahay gel-gelin aan neef kale oo geela ahi ku gel-gelimaysan. Hadduu dantiisii bogtay ayuu ka soo wareegay kobta dugsigeedii xigay xagga hawdka, isagoo doonaya in uu wadiiqo kale ka galo golihii geela. Raadka ninka kadalloobsaday, iyo badhida qoriga ee ku sawiran meel raadka dhudhun ka horraysa ayuu isha qac ku siiyay! In kastoo uu jidh-roorsaday, haddana kama uu nixin sahankan galteeyay, ee wuxuu markiiba soo rogtay qorigii maadhiin-yaraha ahaa ee ammaanada ku ahaa, oo ka fekeray, sidii uu uga tabaabushaysan lahaa, colkan. Wuu ku soo dhowaaday oo ka il-sugtay. Wuxuu yaqiinsaday in raadku uu yahay xalay fiid-horaadkii. Hareeraha ayuu eegay, isagoo aad u feejigan ayuu raadkii raacay. Markiiba raadkii waxaa ku soo darmay raad kale oo aan ka durugsanayn. Wuu gudub-raacay raadkii oo haatan laba ah, markii raadkii ka baxay geelashii, ayay u caddaatay in la sahamiyay, oo duullaanka iyo colkuna uu yahay berri ama saadambe. Xeradii ayuu ku soo noqday, oo geelii hal-haleel u godlay. Hashii uu godlana, iyada iyo neefkeedaba wuxuu dib ugu celiyaa xerada. Wuxuu u diyaar-garoobay sidii iyadoo iminka gellimaad col ku soo fool-leeyahay. “Waar Cabdow! Cararoo ka gaadh inta aan geelaa innagu xiga la sii kala dayn, oo u sheeg in ay ridaan garridii” ayuu si deg-deg ah ugu sheegay Cabdi-gaas. Dhababaco ayuu Cabdi-gaasna is gooyay, geelii odaygu u tilmaamay ayuu u tegay. La dareen in wax dhaceen! Cabdi-gaas isagoo aan xiiq-tiran, ayuu u sheegay in ay ridaan garridii oo farriintana uu u soo faray Faarax-goray. Isma taagine, orodkii ayuu haddana ku soo gaadhay golihii geelooda. Intii Cabdi-gaas ka maqnaa, waxay Faarax-goray maskaxdiisu laba-rogaysay colkan soo dul fadhiistay, ka uu yahay. Ma gaade doonaya inuu geela intuu gurada jeexo, goosan kaxaystaa? Ma aar-doon godobi ka maqan tahay, oo tilmaan ku soconayaa?

 

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Soomaalilaan