Raysal-wasaarihii hore ee Israa’iil oo xabsi loo taxaabay

Raysal-wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Olmert ayaa waxa maanta loo taxaabay xabsi dhan oo 19 bilood, ka dib markii lagu helay qaadasho iyo is-hortaag uu ku sameeyey fulinta caddaalada.

70 jirkan ayaa waxa loo taxaabay xabsiga Maasiyuhu ee ku yaala badhtama Israa’iil, ka hor intii la xidhan ayaa waxa uu baahiyey muuqaal daawasho oo iskaga fogeynayo in uuna wax dambi ah gelin, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:

“Raysal-wasaare ahaan, waxa mas’uuliyadda ugu weyn ay iga saarneyd ilaalinta dadka Israa’iil. Maantana waxaan ahay kan xabsiga la dhigayo.”

Ehud Olmert ayaa waxaa sanaddii 2014 lagu helay dambi ah in uu aqbalay kumanaan dollar oo laaluush ah, oo uu ku qaatay mashruuc dhismeyaal laga dhisayey magaalada Jerusalem, xilli uu ahaa duqa magaaladaas.

Maxkamad ayaa markii hore ku xukuntay Olmert lix sano oo xabsi ah, hase yeeshee Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa xukunkaas laashay, kuna soo yareysay xabsiga 18 bilood. Maxkamad hoose ayaa kadib ugu dartay bil dheeri ah, sababo la xidhiidha is-hortaag uu ku sameeyey caddaaladda.

bandhige@gmail.com