Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye oo si diiran loogu soo dhaweeyey Gobolka Salal

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye ย Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyeyย degaanada u dhexeeya Gobollada Awdal ilaa Salal.

Weftigan oo ku sugannaa Gobolka Awdal ayaa waxa u ujeedadoodu ahayd wacyi-gelinta diwaan-gelinta codbixiyaha ayaa waxay shalay ka ambabaxeen Boorama.

Weftigan ayaa waxa soo dhoweyn diiran kala kulmeen deegaanada u dhexeeya degmada Qolujeed ilaa Saylac oo xalay u hoyden.

Intii weftigan Kulmiye ku guddo jireen socdaal, ayaa waxay mucaawano raashin ah gaadhsiiyeeen qaar ka mid ah degaanada abaaruhu saameeyeen ee hoos yimaada degmooyinka Boon iyo Xariirad ee Gobolka Salal, iyadoo Guddoomiyaha Kulmiye iyo masuuliyiinta u sheegeen dadweynaha in xukuumaddu degdeg u bilaabayso gurmad degdeg ah oo lagu taakuleeyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

bandhige@gmail.com