Ciidamada Dabdemiska oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa habeenimadii xalay u gurmaday dab weyn oo ka kacay kaamka xaafada State house Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dabdemiska oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa habeenimadii xalay u gurmaday dab weyn oo ka kacay kaamka xaafada State house Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa si degdeg ah uga hawlgalay dabkaas oo ahaa mid baaxad weyn halkaasi oo u dabku Qabsaday 18 Buul iyo 4 Jiingadood. Dabkan ayaana iyada oo ciidanku damiyay dabkii hore hadana uu kacay mid kale oo laxaad weyn.

Ciidamada ayaa dabkaa ka hakiyay boqolaal Guri oo kale kuwaasi oo ku yaala xaafadaas. Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaas kala qayb-galay ciidanka dab-damiska, waxaana baadhista sababta dabka gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska JSL oo halkaa ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan goobaha dabka ah ee ay ku soo buuqayaan, taasi oo ciidamadu ka shaqayn kari waayeen. Sidoo kale taliyaha ayaa si adag uga hadlay in la furo dariiqyo si gaadiidka dabdemisku u soo gurman karo, dabkana loo xakamayn karo.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayar xigeenka Khadar Axmed Nuur, Gudoomiye xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud iyo Gudoomiye xigeenka Qandaraasyada Qaranka Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa, waxaana ay soo diyaariyeen cagafyo hadii dabka baaxadiisu sii weynaato lagu kala jaro.

Xaafadan oo ah goob isku raran ah ayna ku yaalaan boqolaal guri, kuna noolyihiin dadweyne fara badan ayaa marar badan dab ka kacay, taasoo ciidamada Dabdemisku ka hawlgaleen damiyeena dabkaas.