XAYAWAANKA IYO SIRDOONKA (1) W/Q :(kamaal marjaan)

XAYAWAANKA IYO SIRDOONKA (1)
====—====—====

1964 kii sirdoonka Maraykanka – CIA waxa uu bilaabay in tababarro basaasnimo uu siiyo xayawaan badeedka hoombarada. Waxaa la doonayey in loo adegsado ujeeddooyin milateri iyo basaasid ah oo laga fulinayey badda gudaheeda iyo xeebaha.

Hoombarada oo keliya ma aha, hawlaha noocan ahina sirdoonka Maraykanka kuma ay koobnayn, balse qaar badan oo ka mid ah hay’adaha basaasidda adduunku ayaa adeegsada xayawaanno isugu jira biyo ku nool, berri ku nool iyo baalley.

Qormadan oo dhowr qaybood ah, waxa aynnu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah xayawaananda sirdoonka laga dhigay.

Bisad CIA ka tirsanayd
—==–==–==–==—

Bisaddu waa xayawaan dabjoog ah oo lagu yaqaanno dhaqdhaqaaq iyo u fiir-fiirsi badan, sidaas awgeed aan aad loogu baraarugin joogitaankeeda iyo maqnaanshiyaheeda midna. CIA ayaa uu damac ka galay in ay ka faa’idaysato dabeecaddeedaas abuurka ah.

Waxa ay bilowday Mashruuc ay bilowgiisii ku baxday 10 Milyan oo doolar, waxa uu ahaa daryeel, tababar, iyo qalliino, waxa kale oo ka mid ahaa samaynta kaadh cabbirkiisu yahay 1.9 sentimitir oo awood u leh in uu codka duubo. Bisadaha ayaa lagu sameeyey qalliin Lafaha madaxa hoostooda lagaga beerayo kaadhkaas.

CAQABADIHII KA HOR YIMID
—-==—-==—-==—-
Mashruucan waxaa durbadiiba ka hor yimid caqabado waaweyn. Waqtigaas adduunyadu horumarka hadda kama ay gaadhin tekoonaliyadda garaadka aadame sameega ah iyo guud ahaan noocyada kombiyuutarka, sidaas awgeed CIA waxaa ku adkaatay in ay maamusho dhaqdhaqaaqa bisadda, tusaale ahaan in lagu negeeyo hadba halka ay ka socoto xogta la rabo in ay duubto. Dabeecadda bisadda ayaa ah in ay warwareegto, muddo dheerna aanay meel keliya ku sugnaan.

CIA waxa ay mar kale abuurtay kaadh awood u siinaya in ay bisadda maskaxdeeda ku yeeshaan saamayn ay ku maamuli karaan dhaqdhaqaaqeeda, si ay ugu hagaan hadba meesha ay filayaan in ay cod muhiim ah ka soo duubi karto.

Dhibaatadii dhaqdhaqaaqa bisaddu weli ma ay dhammaan, oo marka meel lagu hago, in ay halkaas ku negaato ayaa weli suurtagal noqon weyday.
Cilmibaadhayaasha CIA ayaa baydhis ay arrintan ku sameeyeen ay u sheegtay, in sababta ugu badan ee bisadda ku keenaysa dhaqdhaqaaqu ay tahay gaajo badnaan ay hadba cunto meel ka raadiso. Si ay taas u xalliyaan waxa ay bisadihii basaasiinta ahaa ku sameeyeen qalliin kale oo lagu faragelinayo dareen-wadayaasha maskaxda u gudbiya farriinta gaajada, waxa kale oo loo sameeyey tababarro dheeraad ah oo lagu barayo in meesha lagu hago ay muddo dhaqdhaqaaq la’aan ugu negaato. Hawlahan cusubi waxa ay lacagtii hore ee mashruuca ku sii dareen Kharash dhan 20 milyan oo doolar.

Shaqadaas badan iyo dadaalkaas dheer kaddib, masuuliyiinta CIA waxa ay u arkeen in la gaadhay goortii bisadahaas la hawgelin lahaa. Bartilmaameedkii koowaad ee ay calaamadsadeenna waxa uu ahaa safaaradda uu Midowgii Soofiyeti ku lahaa Washington.

LA SOCO QAYB KALE …