Ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland oo Qabtay 170 Qqof oo Tahriibayaal ah

Ceerigaabo (Dawan):-Ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland saldhiga saddexaad Gobolka Sanaag ayaa gacanta ku soo dhigay 170 qof oo tahriibayaaal ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Itoobiya oo isugu jira rag iyo dumar.

Hawlgal ay Ciidanka illaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag ka sameeyeen deegaanka Waqadariya xeebaha bari ee Gobolka Sanaag ayaa lagu soo qabtay tahriibayaasha iyo Doonidii ay ku Tahriibayeen,

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com

Tahriibayaashan oo ku socday dalka Yemen ayaa lagu soo xidhay doontii ay wateen Saldhiga Ciidanka ilaalada xeebaha ee Gobolka sanaag.

Sidoo kale Ciidanka ayaa waday labadii bilood ee ugu danbeeyey hawlgalo lagu sugayo amniga badda iyo la-dagaalanka budhacad badeed argagixisada iyo kaluumaystada sifada sharci darad ah uga kalluumaysta Badda iyo tahriibka