Markaad Nolosha Si Khaldan U Fahma!

Kornayl Robert Denard wuxu ku dhashay April 1929 dalka Faransiiska waxaana uu isticmaali jiray magacyada Gilbaert Bourgeaud iyo Mustafe Madhoub. Waxa caan ku ah oo lagu yaqaanay sida uu u fulin jiray dhamaan hawlihii uu ku taageerayay gumaysigii Faransiiska ee Africa.

Robert Wuxu u noqday isuduwihii siyaasada Africa madaxweyinhii Faransiiska Charles de Gaulle, waxa kale oo uu la sheqeeyay ciidanka Faransiiska ee Aljeriya gumaysanayay. Robert Denard wuxu ahaa calooshiisa u shaqasyte caan ka noqday Afrika oo ujeedadiisu ahayd sidii uu macaash u heli lahaa. Waxa uu ahaa dagaal ooge sanadadii 1960 -1995 isagoo ka qayb qaatay dagaalo jabhadeed oo ka dhacay dalal iyo weliba afgembigii jasiiradaha Comoros ka dhacay.

Wuxu uu ka tirsanaa booliiska gumaysiga Faransiiska ee Moroco 1952-1957. Sanadkii 1954 waxa lagu eedeeyay shirqoolkii lagu dilay raโ€™iisal wasaarihii Faransiiska oo ka tirsanaa xisbiga bidixda fog kaasi oo wakhtigaasi wadahadal kula jiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalkii Indochina iyo sida looga soo bixi lahaa Morroco.

Waxaana uu ahaa nin aaminsan in dilku yahay waxa keliya ee aad isku difaaco karto kana macaashi karto. Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in dilalka iyo rebeshdaha uu Afrika ka waday oo uu taageero buuxda kaga helayay dawladda Faransiiska, xitaa ka dib doorashadii 1981 ee musharaxa xisbiga Socialist Party, Mr. Franรงois Mitterrand waa loo sii waday taageerada inuu Afrika dagaalo ka bilaabo. Dhinaca diinta Denard wuxu aaminsana bilowgii mad-habta Roman Catholic , laakiin mar danbe ayuu ta Yuhuudda qaatay isagoo mar danbena Islaam uga sii wareegay. Laakiin ugu danbaystii wuxu dib ugu noqday Cathligii. Waxa uu guusraday dhowr jeer waxaana uu dhalay sideed caruur ah. Waxaana uu ku dhintay paris dalka faransiiska bishii October 13, sanadkii 2007. Waxaana uu ahaa nin nolosha si khaldan u fahmay, oo keliya in dilka dhimashadu shaqadiisa noqotay. (revolvy.com)

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com