Xidhiidhka Niyadjabka Dadka Iyo Guusha!

Jean Lacoste wuxu u dhashay dalka Faransiiska, waxaana uu ahaa xidigihii caanka ku noqday kubbada Teniska intii u dhaxaysay 1920-1930. Wakhtigii uu bilaabay Teniska wuxu ahaa nin khashiin ah oo marka kasta saaxiibadii ku qosli jireen waxayna u bixiyeen Yaxaas iyagoo in badan kula taliyay inuu iska dhaafo.

Dacaayadda saaxiibadii iyo xataa naanaysta Yaxaaska oo ay ula jeedeen in la moodo Yaxaas marka uu ciyaarayo, kuma niyad jebin waxaana uu ku dadaalay inuu noqdo xidig caan ah. Lecoste wuxu noqday ciyaartowga dunida ugu wanaagsan teniska labadii sano ee isku xigay ee 1926 iyo 1927.

Sanadkii 1932 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha isla wakhtigaasi ayuu furay dhaqaalihii uu ka helay shirkad ka ganacsata Dharka ciyaaraha, waxaana uu calaamadda ganacsigiisa ka dhigay Yaxaaskii lagu caayi jiray. Saaxiibadii dacayaadayn jiray ayuu shirkadiisa 70% shaqaale u noqday. Weliga haku niyad jebin kelmadaha kaaga imanaya saaxiibada wakhtiga aad hayso wadada guusha. Jean Lacoste wuxu dhintay bishii June 12, sanadkii 1992 isagoo hantiile ah.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com