Ciidamada Itoobiya oo galay oo Koonfurta Suudaan

Milatariga Itoobiya ayaa waxay maanta guddaha u Koonfurta Suudaan iyagoo raad goobaya boqolaal carruur ah oo laga soo afduubay gobolka Gambeela.

Carruurtan ayaa waxa la afduubay maalintii jimcihii, kooxaha dagaalyahano ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Murle ayaa lagu tuhunsan yahay in ay afduubeen carruurtan kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada dawladda iyo deegaanadan.

Weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 200 oo qof.
Dawladda Koonfurta Suudaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay kala shaqaynayaan ciidamada Itoobiya sidii oo raadin lahaa carruurtan.

Sii hayaha wasiirka Arrimaha Dibedda Peter Bashir Gbandi ayaa sheegay in ciidamada Koonfura Suudaan aysan ku lug lahayn weerarkii dhacay Jimcaha.

Baba Medo oo ah guddoomiyaha gobolka Boma oo dagaalyahannada Murle ay ku nool yihiin, ayaa kooxda Cobra oo ah maleeshiyo hore oo deegaanka ku sugan ku eedeeyey weerarka.

David Yau Yau oo hoggaaminayey kacdoonkii Cobra ee ka dhanka ahaa dawladda Koonfurta Suudaan ee sanadihii 2011 illaa 2013 ayaa beeniyey in ay ku lug lahaayeen weerarka.

bandhige@gmail.com