Madaxweyne Obama oo booqasho uu ku jooga Ingiriisku u bilaabantay ayaa waxa uu mar labaad ugu baaqay Ingiriiska in ay ka sii mid ahaadaa Midowga Yurub.
Ingiriiska ayaa waxa uu codbixin u qaadi doonaa in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub iyo inkale bisha Juun ee sannadkan.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ka mid ahaanshaha Ingrisiiska ee Midowga Yurub ay miisaan u yeelayso saamaynta Ingiriiska ee ay dunida leeyihiin.
Hadalka Obama ayaa waxa uu arrintani muujinaysaa walaaca qotada dheer ee Washington ka qabto cawaaqibka ka dhalan kara haddii Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub.