Wajaalle waddo laami ah oo xadhiga laga jaray

Maamulka Magaallo-xuduudeedka Tog-wajaalle ee ka tirsan gobolka Gabiley ayaa shalay xadhiga ka jaray Jid Laammi ah oo dhererkiisu dhan yahay Hal Km, kaasi oo laga hirgeliyey galbeedka Wajaalle.

Munaasibadii wanqasha wadadan oo uu xadhiga ka jaray Guddoomiyaha Degmada Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan waxaa ka soo qayb galay madaxda heer gobol ee gobolka Gabiley oo uu ugu horreeyo baadhasaabka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka degmadaasi Wajaalle Mursal Nuur Cismaan, iyo weliba guddida horumarinta ee Wajaalle, waxaana dhismaha wadadani ay noqonaysaa wadadii labaad ee maamulka degmadu hirgeliyo mudadii uu xilka hayay Guddoomiyaha xilligan Cabdi SAleenbaan Xasan.

Baadhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamuud Cabdi oo ugu horeyn halkaa kahadlay ayaa ku bogaadiyey maamulka degmada wajaale in wax ka yar laba bilood ay ku qabyo tiraan jidkan halka Kiilloomitir ah oo uu baadhasaabku konton maalmood ka hor dhagax dhigay, ayaa waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan maantaย  goob joog u ahaado dhamaystirka jidkan oo aan dhagax dhigay muddo haatan laga joogo bilyo labaatan cisho.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

โ€œGabiley haddii aynunahay innagoo ka duulayna siyaasadda uu Madaxweynaha ku hoggaamiyo qarankan waxaa innaga goโ€™an in aynu isku duubno ku muujino horumarka aynu gobolka gaadhsiinayno innaga oo ballanqaadaynaย  inaynu u kacnoย dhinaca horumarka.โ€

Waxa Isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha maamulka degmada Wajaale Cabdi Saleebaan Xasanย  waxaanu ka warramay muddadii ay socotay wadadan dhismaheedu iyo ciddii iska kaashatay hirgelinteedaba, isagoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi:ย 

โ€œWaxa aynu maanta furaynaa waddo hal kiilloo mitir ah oo magaallada uga baxda dhinaca galbeed, taasi oo uu hore u dhagax dhigay guddoomiyaha gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, taasi oo maanta [shalay] soo gebogabawday isla markaana aanu furayno. Waxaana wadadan dhismaheeda aanu maamul ahaan la kaashanay guddida ganacsatadda Wajaalle oo kaalin ka qaatay dhamaystirkeeda.โ€

Waxa kale oo hadalkiisa ku daray:

โ€œMashruucan aanu maanta furaynaa waa wadadii labaad, waxaa kale oo aanu dhagax dhigaynaa waddo kale oo saddexaad oo 250 Mitir ah. Run ahaanna waxaas oo mashaariic ah waxaanu ku hirgelinay muddo kooban, shan biloow iyo sideed iyo toban maalmood baanan xafiiska joogay, ย saddexdaas waddo ayaa noo hirgelay muddada aan joogay, waxaa kale oo kamid ah waxyaabaha la taaban karo ee aanu degmada kusoo kordhinayย  bullaacadoย  bilicda magaallada ka qayb qaatay.โ€

Gebogabadii waxaa uu guddoomiyuhuย  mahad naq u jeediyey masuuliyiin kala duwan ee ka qayb qaatay dhismaha wadan, waxaanu yidhi:

โ€œWaxaan halkan uga mahad naqayaa guddida ganacsatada iyo guddiyada kala gedisan ee degmada Tog-wajaale oo aad iyo aad ugu soo jeeda in ay dalkan iyo dadkan iyo degmadoodaba horumariyaan, run ahaanna degmada dadka ku dhaqan ee ama ka ganacsada ama ku nooli, waxaan qabaa ma jirto degmo la mid ah oo dalka ku taalla, waayo waxaa ay degmada Wajaalle kulmisay Somaliland oo dhan min bari illaa galbeed.โ€

bandhige@gmail.com