Magaalada Geneva ayaa waxa maanta ka furmaya wada-haladii Suuriya ee u dhaxeeyey mucaaridka iyo dawladda, sidaasna waxa sheeegay Ergayga Qaramada Midoobay Staffan de Mistura.
Xoogaga mucaaridka ayaa waxay ka ambaxeen Suuriya wallow qaar ka mid ah mucaaridku ku doodayaan in aanay xabad joojintii jabtay kadibna aanay ka qayb galayn.
Ergaygu waxa uu ka codsaday dhinacyada in ay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojinta, lana dardar galiyo gargaarka bani’aadminimo.
Kadib muddo todobaad ah oo ismariwaa ka taagnaa, laakinse horumar yar oo kooban ayaa waxa laga gaadhay wada-hadalada, inkasta oo ay u eekaayeen in ay burbureen.
Laakin Mr de mistura wuxuu sheegay in xaaladda suuriya ay tahay mid culus oo ka fog in laga huleelo hanaanka diplomaasiyadeed.