Xukuumadda Somaliland waxay u dirtay Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka u dirtay Giriiga si uu uga qaybgalo arrimihii doontii ku qarraqantay badweynta Midhatereeniyanka

Xukuumadda Somaliland ayaa waxay dalka Giriiga u direen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, si uu gacan buuxda uga geysto Caawimada dadkii reer Somaliland ee ka badbaaday doonidii ku qaraqantay Badweynta Medhitareeeniyanka, isla markaasna uu warbixin sugan ka keeno sida uu shilku u dhacay iyo tirada rasmiga ah ee Somaliland u dhalatay ee masiibadaas wax ku noqotay, Waxa kale oo masuulkani kulamo la yeellan doonaa ururrada kala duwan ee gacanta ku haya arrintan.

Iyadoo Xukuumada Somaliland gudanaysa Waajibka ka saaran Ilaalinta iyo Daryeelka Muwaadiniinteedaย ย waxay maalihii u danbeeyay xidhiidho joogto ah la samaynaysay Dadkii ka badbaaday doonidaas qaraqantay oo imika laga soo saaray Jasiirada Kalamata oo ay ku jireen loona soo wareejiyayย caasimada Dalka Giriiga ee Athensย ย iyo laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ay ka mid tahay Hay’ada IOM. Waxa kale oo Xukuumada Somaliland ay u hawl galaysaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Dambiilayaasha ka ganacsada Tahriibka iyada oo lala kaashan doono Wadamada Jaarka ah iyo kuwa aynu Saaxiibka Nahay.

Arrintan ayaa ka dambaysay in shacbi iyo xukuumadba meel looga soo wada jeedo badbaada iyo ka hortaga daโ€™a yarta naftooda ku bimaysa badaha khatarta badan ee ay hore ugu naf waayeen kuwii ka horeeyey, hooyooyin iyo aabbooyin badanina ay ku goblameen.

bandhige@gmail.com