Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qaybgalay dabaaldega caalamiga ee loo sameeyey sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashada boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ka dhacday Safaaradda Ingiriisku ku leeyaay Addis Ababa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa uu dhignaa sida tan:
WAR-SAXAAFADEED
Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qaybgalay dabaaldega caalamiga ee loo sameeyey sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashada boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II.
Boqorada oo baarka ka jartay sagaashan sannadood, dalkaana boqorad ka ahayd muddo 64 sano ah, ayaa waxa xuska dhalashadeedu ka dhacay meelo badan oo ka baxsan boqortooyada dalka Ingiriiska, sida Kanada iyo Ustaraaliya (Canada and Australia) oo ay iyagana boqorad u tahay, waxa kale oo uu dabaaldegeedu ka dhacay dalalka barwaaqo-sooranka (Commonwealth).
Wefti balaadhan oo ka socda dawladda Somaliland qaybeheeda kala duwan ayaa lagu martiqaaday xuskan oo ka dhacay safaaradda dalka Ingiriiska ee dalka Itoobiya, ka dib markii safiiradda dalka Ingiriiska ee dalkaasi ay martiqaad rasmiya u fidisay masuuliyiin sare oo haatan ku sugan magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis-ababa, kuwaas oo isugu jira kuwo dalkaasi socdaal shaqo ku joogay iyo weftigii xukuumadda ee socdaalka ugu baxay dhawaan dalka Turkiga, kuwaasoo kala ah:
- Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Garyaqaan Aadan X. Cali Axmed
- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, Muuse Biixi Cabdi.
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire
- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde iyo
- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Xasan Axmed Aadan
Weftigu waxay boqorada Ingiriiska u gudbiyeen hambalyo ku aaddan sannad guurada sagaashanaad ee dhalashadeeda, taas oo ay kaga wakiil ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo shacbiga Somaliland, waxa kale oo ay hambalyadaas oo kale u direen dawladda Ingiriiska, oo ay si gaara uga mahadceliyeen guud ahaan taageerada iyo kaalmooyinka ay boqortooyada Ingiriisku siiso dawladda Somaliland, iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska oo ku dhisan dano wadaag, ahna mid adag.
Weftigu intii ay joogeen caasimada Addis Ababa waxay kulamo la yeesheen danjireyaasha, dalalka Afrika u fadhiya Addis Ababa iyo safiiro kale oo dalalka caalamka ah, kuna sugan halkaasi kuwaas oo ay sharax dheer ka siiyeen geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, iyo qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Warancade oo socdaal shaqo ku joogay Itoobiya ayaa kulamo wakhti dheer socday la yeeshay masuuliyiinta dhinaca amniga u qaabilsan dawladda aynu deriska iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sii xoojinta amniga mandaqada, gaar ahaan tan labada dal iyo xoojinta xidhiidhkii wada shaqayneed ee labada dal mudada dheer wadaagayeen, halka musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, ahna gudoomiyaha xisbigaasi, uu socdaalkiisa Itoobiya ka mid yahay socdaalo uu ku galaa-baxayo dalalka Bariga Afrika.
Weftigu waxay kulan gaara la yeesheen wasiiro ka tirsan dawladda Itoobiya, kana mid yihiin, wasiirka Waxbarashada Mr. Shiferaw Shigute, iyo wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Caasha Maxamed Muuse, kuwaasoo ay ka wada hadleen danaha labada dhinac ee khuseeya shaqooyinka ay u hayaan ummaddahooda iyo xidhiidhka labada dal.
Safiirada martiqaadka fidisay Ms, Susanna Moorehead, ayaa weftiga Somaliland uga mahadnaqday hambalyada madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ee dhalasahda boqorada iyo martiqaadka ay soo ajiibeen ee ay kaga qaybgaleen xuska loo sameeyey boqorada ee ku qabsoomay safaaradda.
Dhinaca kale, wasiirada Arrimaha Dibeda iyo Madaxtooyada Somaliland ayaa ka soo laabtay dalka Turkiga oo ay u tageen, xoojinta iyo tayeynta xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo dawladda Turkiga, iyagoo halkaa kulamo gaara kula yeeshay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi iyo hayโadaha bisha cas iyo xafiiska mucaawimooyinka u qaabilsan dalkaasi ee Tika.
Waxa kaloo ay weftigu kala hadleen dawlada Turkiga sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladii ay beesha caalamku korjoogaha ka ahayd ee u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo dawlada Turkigana la sameeyey gogol xaadh ku saabsan dib u bilowga wada-hadaladii istaagay ee labada dal.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.