Ciidamada Tuuniisya oo dilay 21 xagjiriin ah

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Tuuniisiya ayaa sheegay in ciidamada dileen 21 xagjiriin ah oo weeraray saldhig boolis oo ku yaala magaalada Ben Guerdan.oo u dhow xuduudka ay la wadaagto Liibiya.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in ugu yaraan afar qof oo rayid ah iyo hal askari sidoo kale lagu dilay iska horimaadka oo ka dhacay Ben Guerdane.

Masโ€™uuliyiintu waxa ayaa waxay ugu baaqeen in dadweynaha deegaanka in ay ku jiraan guryahooda inta ay socoto hawgaladu.

Milatari ka socda dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa talooyin ku caawinaya ciidamada Tunisia, ayada oo ay jiraan walaacyo sii kordhaya oo ku saabsan in mintidiinta dalka Liibiya, oo ay ku jiraan xubnaha Daacish, ay kasoo gudbayaan xuduudda si ay weeraro u fuliyaan.

Toddoobaadkii tagay, Ingiriiska ayaa ku dhowaaqday in ay direyso koox tababarayaal gaadhaya 20 askari, si ay caawimaad uga geystaan in Tuuniisiya ay sugto ammaanka xuduudaheeda.

bandhige@gmail.com

ย