War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda oo ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadda waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” dhambaal hambalyo ah u diray haweenka Somaliland munaasibadda xuska maalinta haweena adduunka.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirane waxa uu u dhignaa sida tan:
WAR-SAXAAFADEED: DHAMBAAL HAMBALYO MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba haween weynaha Adduunka dabaal-degga 8da March, maalinta Caalamiga ee Haweenka.
Mdaxweynuhu munaasibada 8da March awgeed, wuxuu haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.
Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyey haweenka lafdhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dibu-dhiska iyo horumarka waddanka.
Dhinaca taageerad, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxuu sheegay in sidii uu horeba ugu taliyey, imikana ay ka go’an tahay in haweenka Somaliland saami go’an (Quota) ka helaan Barlamaanka dalka, golaha wakiiladuna meelmarinyo kootada ay hawenku dalbadeen.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey sida uu diyaarka ugu yahay in haweenku qayb ka ahaadaan meel kasta oo talada dalka lagu go’aaminayo kaalmo muhiim ahna ka galaan saaxada siyaasada, dawladda iyo asxaabta qarankaba.
Gebegebadii Madaxweynuhu wuxuu xusay in haweenkii uu ku soo daray xukuumaddiisu iyo kuwa ka tirsan shaqaale weynaha dawladduba muujiyeen dedaal iyo howlkarnimo mudan ku dayasho, hawlaha ay qaranka u qabteen awgeed.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.