Diifta, daranyada, daalka iyo dibindaabyada ka muuqata wajigeeda ayey indhaheygu qabteen, dhabanadeeda waxa ku dhigey coodhcoodh iyo gabaw, haddana da’i ma hayn oo wali waa dhaLlinyar, wajigeeda waxa dusha ka saarnaa qolof madaw oo aad garaneyso in ay tahaay milic daashatay iyo dabeyl ay la daris noqotey, argagax iyo anfariir dartii baan u dhawaadey si aan u hubiyo waxa ay indhaheygu ii sheegayaan in uu dhab yahay, waliba waan usii dhawaadey oo wajiga wajiga u saarey, way yaaban tahay, dhinac kale cay iyo hiif bay hoostaa ka wadaa, malaheyga mid gaadhi watay oo iyada iyo xamaanteedaba cagta marin gaadhey bay wali usii gunuunuceysaa.
Anoo ku dheygagsan baan ku soo hambararey sida aan wanaagsanayn een ugu qalaley eegmadeeda, deg deg intaan u soo boodey baan ku idhi:
“walaal muus baan doonayee shanta xabo waa imisa.”
Muus uma dan laheyn oo Alle waa i arkayaa, laakiin waxaan doonayey in aan ogaado xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay. Markiiba intay muuskii ii soo waydey waxaan bilaabey in aan sheeko u furfuro, ugu danbeyna waxaan ku guuleystay in aan helo xogtaan rabey.
Hadalkeedii wuxu socdaba wuxuu soo gaadhey:
“aniga oo yar baa Aabahey nin reerkayaga ah oonu qaraabo nahay i siiyey, wax alla waxaan ka garanayey nolol adduun may jirin, sidaanu iskaga wanaagsaneyn ee aanu nabad iyo nimco ugu naalooneynay, carruur laba ahna aan haysto ayuu ninkii noqdey mid aan gurigiisa iman waagu markuu soo bidhaamayo mooyaane, xiliguu doonaba ha yimaadee waxa dhibaato badan igu haysay, carruurta aan dabka loo shideynin, markuu ka goostey intii yarayd ee uu u keenayey, kor iyo hoosba ula hadley, wax rajo ah se ka waayey ugu danbeyn waxaan go’aan ku gaadhey in aan anigu suuqa u baxo, markey ubadkii ku sigteen in ay gaajo iyo macaluul u dhiman gaadhaan, ileen lacagtaa tol ahe dadkii xigtada ahaana gacan waan ka waayey, waxaan ka bilaabay in aan suuqa ku iibiyo baco oon bariiska yar maalina ka karsano maalina ka qadno, waxaan sidii iskaga jiroba ileen candhaba waa xubine oo aan Alle mahadii ku suganahey, ayuu Illahey (SWT) I barakeeyay intaydii yareyd oo aan faro qabsi yar ka sameystay dabadeedna kaaryoonahan Muuska ayaan ku bedeshay, intii in ka wanaagsana waan ka helaa balse nimco waliba nusqaanteed lehe, odeygii waxa uu in muddo ahba bilaabey in uu maalin oo dhan guriga hurdo oo bariiska yar ee aan naftaydii u baabiiyey uu carruurta la qaad qaato, waxbaba umaan arkeyn intaase, imika waxa ii dheer in uu i weydiiyo lacag uu jaad iyo sigaar siisto, haddii aan idhaa halkeen ka keenaana cay, hadidaad iyo gacanta ka hadal markii uu ila soo gaadho buu iigu darey.”
Haba wareysan laheydaa, oohin baaban bilaabantay anigii baa jidhidhicoodey waan la ooyi gaadhay, koleyba niyada waan ka ooyayee , waxaan bilaabay in aan aamusiiyo anoo sidii u dulfadhiya, waxa nasoo dul istaagey nin bakoorad laalaadsanaya, jaleecadaan eegayba intuu bakooradii dhabarka kaga mudey, buu si aan is dhibeyn, qofka meesha duuduubana dan kalaheyn u yidhi:
“hodhodho naa maxaad isla duuduubeysa sidii qof bastii ah, noo dhiib intii yareyd.”
Intuu hadalka wado wuxuu gacanta la gaadhey laba xabo oo muuskii miiska saarna ah, judhiiba daankuu ku hubsaday, waan yaaban ahay haddana waxaan isleeyahay malaa waa kay sheegaysay, markay u juuqi wayday ileen ciil iyo caloolyow bay la duuduubneyde ayuu intuu xanaaqey bakooradii dhabarka ka huwiyey, way iyo way, ninku miyaanu isla yaabayn, muslinkii meesha joogaay soo gurmade wataa ninkii lanaga qabtey, acuudu bilaah. dabadeedna dee mooyi wax xaal ku danbeyn! Ileen markii baa iigu danbeysee.
Waa xaalka dhabta ah iyo xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee ay ku sugan yihiin Hooyooyin badan, ubad badanina u mustaqbal waayayaan.
Waxa qortey: Hibo Maxamed Ciise “Basbaaso”