Midowga Yurub iyo Turkiga oo heshiis dib loogu celinayo wada saxeexday

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa waxay maanta kala saxeexdeen heshiis hordhac ah kaasi todobaadka dambe ayaa waxa la kala saxeexan doonaan heshiiskaas dib loogu celinayo kumanaan mujaahiriinta waddamadii ay ka soo tahriibeen.

Kadib bilo heshiis laโ€™aan ah oo 28-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ay isku hayeen lacag ku baxaysa dib u celin ayaa waxay hoggaamiyayaasha Yurub ogolaadeen in Turkiga la siiyo lacagto dheeraad ah ooย  si ay qaxoontiga ugu caawiyaan.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in kulanka uu abuuray rajo ah in suโ€™aasha ku saabsan qaxoontiga loola tacaali karo isku duubnaanta Midowga Yurub iyo wada-shaqeynta xooggan ee kala dhaxeysa Turkiga.

Waxaa iminka isha lagu wada hayaa kulan madaxeedka labada maalmood socon doonaa ee billaabanaya 17-ka bishan Maaraj, kaasi oo heshiiska lagu saxiixi doono.

Wada-hadallada ayaa waqti dheer socday, ayada oo Turkiga oo marti-geliya 2.7 milyan oo qaxoonti Suuriyaan ah uu dalbaday 3.3 bilyan oo dollar oo dheeri ah, taasi oo ah laba laab lacagtii hore uu Turkiga uga heli jiray Midowga Yurub.

Waddamada Midowga Yurub ayaa waxa soo waajadday xaalada adag iyo tirada dadka muhaajiriinta ee ka soo cararayaย  waddamadooda, balse ay dareemee n qulqulkan xad-dhaafka ah ayaa waxay wada gaadheen heshiiskan hordhaca ah.

bandhige@gmail.com