Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyadda ayaa waxay kormeer ku tageen mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo ay socoto beeb dhigista.
Maareeyaha wakaalada oo warbixin siiyey inta hawshu socoto ayaa waxa uu sheegay ย 15 KM ay gabagabo ku dhawdahay, oo 14.5 KM la sameeyey waxa hadhsana ay tahay 9 KM oo wax laโ oo sadex bilood lagu dhamaynayo.
Beebkani ayaa waxa uu noqonayaa mid casri ah oo ka duwan kii hore, biyaha uu keenayo xawligoodu ay sareeyaan, waxa lagu xidhanayaa Internet oo meel walba biyaha gaadhaya waxa lagala soconaya Xafiiska guud ee maamulka wakaalada Biyaha, oo Tignoolajiyad casri ah lagu sameeyey. Sidoo kale waxa la qodayaa barkado badan oo magaaladda gudaheeda iyo xaga geed-deeble-ba, oo biyaha lagu kadiyo.
Sidoo kale waxa uu mashruucan ka mid ah qodida Ceelal-biyood oo laga qodi doono Hora-haadlay iyo Laasdhuure, mashruuca waxa ku baxaya lacag aad u fara badan oo dhawr iyo Konton milyan oo dollar ah ilaa qaybinta magaalada marka lagu darro, runtii waa wax weyn. Hal-abuurkaas Xukuumadani la timid waxa uu salka ku hayaa in ay cabaan oo biyo ku filan ay helaan bulshada ku dhaqan Caasimada Somaliland, oo maanta dadka ku dhaqani ay milyan iyo saddex boqol oo kun oo qof lagu qiyaaso.
Waa markii saddexaad ee Hargeysa Biyo balaadhin lagu sameeyo 1977-kii dawladda Talyaaniga ayaa biyo balaadhin samaysay. 1984-kiina dawladda Shiinaha ayaa mashruucan samaysay, mid walba waxbuu kordhinayey, mashruucan aanu hada wadnaa waa kii ugu waynaa, bulshada caasimada ku noolo mar walba way sii badanaysay 1984-kii waxa ku noolaa sideetan kun oo qof,( 80.000), waad garan kartaan bulshada wakhtigaas Hargeysa ku noolayd, Iyo ta maanta ku nool iyo faraqa u dhaxeeya.