Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha ayaa kormeer ku tegay banka Qool-caday

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta kormeer ku tagay Seeraha Banka Qool -Caday oo ay dawladu dib u soo noolaynayso.

Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,Wasiirul dawlaha Xannaanadda Xoolaha, Wasiir-ku-Xigeenka Qorshaynta Qaranka, Agaasimayaal Guud, Aqoonyahano, Masโ€™uuliyiinta Degmada Sallaxley ,Madaxa hayโ€™ada Danida oo Wakiil ka ahaa Qaadhaan Bixiyeyaasha kale.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ooย  Seeraha banka qool-caday ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday sida ayxukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dadaal ugu jirto xidhista banka Qool-caday kaas oo waxtar balaadhan u leh bulshada deegaanka iyo xoolahoodaba isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan idiin sheegayaa in Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF in ay Seeraha banka Qool-caday biyaha ugu horaysiinayso dadku way ku farxeen, siyaasadda Wasaaradda Xannaanadda Xooluhu iyo Mashruucan SDF wakhtigii ay sameeyeen isma diidayaan, waxaanu diyaar u nahay markasta oomashruucaasi la sii daayo, oo Ceelashii SDF in ay bilaabayso ay balanqaado anaga iyo bulshada deegaankuna waxaanu balanqaadaynaa in aanu taarkii ku wareejino.โ€

Wasiir C.laahi Cukuse waxa uu intaasi ku daray oo kale:

ย โ€œMashruuca qaybtiisa kale ee Aroori sidii loogu fuliyey ayuunbaa halkana loogu fulinayaaโ€

Geesta kale Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Salaan Jirde โ€œCali Shoonbeโ€ ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Bulshada deegaankaasi ay soo dhawaynayso Seeraha banka Qool-caday waxaanu xusay in sida ugu dhakhsayaha badan loo bilaabi doono qodista ceelasha biyaha oo qayb ka ah Mashruucani isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œDadku waa kuwaas sida Nabadgalyada ah u Yimid ee arkay inaan wax la isku haystaa Jirin, Waxaa Muuqata in deegaanka iyo bulshaduba ku qanacsan tahay Mashruucan aniguna waxaan idiin bushaaraynayaa mudo aan fogayn in Biyaha laga bilaabi doono.โ€

Geesta kale Mr Michel oo ka Socday hayโ€™ada Danida Isla markaana sheegay in ay qayb weyn ka qaadanayaan hirgalinta mashruucan,waxaanu uga mahadnaqay xukuumadda Somaliland wada shaqaynta fiican ee Ka dhaxaysa.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Sallaxley iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka deegaanka degmada Sallaxley oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabada ay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo ka turjumaysa siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Banka Qool-caday kaga hirgalinayso in laga dhigo seere ay manaafacaadsadaan dadka iyo duunyada ku dhaqan Jiida degmadda Sallaxley, Waxaanay balan qaadeen in ay gacan muuqata ka gaysan doonaan waxa kasta oo looga baahdo.

bandhige@gmail.com