Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa maanta deeq lacageed oo ay taageerayaasha xisbiga Waddani kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha jidka isku xidhaaya Berbera iyo deegaanada ka xiga dhinaca Bari, ugu deeqay shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, waxaana uu sida oo kale xadhiga ka jaray xafiis cusub oo Waddani uu ku yeelanaayo degmada Xagal ee gobalka Saaxil.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa deeqdan lacagta ah iyo sida oo kale xadhig ka jarista xafiiskan sameeyey xilli uu ku guddo jiray socdaal dheer oo la magac baxay Sama-wade oo Waddani uu ku maraayey deegaanada hoos yimaada gobalka Saaxil, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ka xisbi ahaan ka qeyb-qaataan dhismaha jidka cusub ee loo samaynaayo shacabka ku dhaqan deegaanka Bari ee Berbera, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ka xisbi ahaan ay farxad u tahay in xafiis cusub ay degmada Xagal uga yagleelaan Waddani, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxa farxad weyn noo ah, in aanu maanta ku dhawaaqno in aanu deeq lacaga oo dhan 3000 oo dollar aanu kaga qeyb-qaadano dhismaha jidka cusub ee loo dhisaayo shacabka ku nool deegaanada bariga ka xiga gobalka Saaxil, waana aanu la dareemaynaa dhibbaatada ka haysata shacabkan xagga wadooyinka, waxa kale oo iyadana aan ku faraxsan ahay in maanta Waddani uu xafiis dhammeystiran oo qalabyadiisii yaalaan uu ku yeelanaayo degmada Xagal, waxaana aan uga mahad-celinayaa dhallinyarada, odeyada iyo haweenka sida heelanaanta ah inta ay isu soo xil-qaameen go’aansaday in Waddani uu halkan xarun ku yeesho.”
Dadweynaha deegaanka gobolka Saaxil gaar ahaan deegaanada bari ayaa waxay soo dhoweeyeen deeqdan lacagta ah iyo furitaanka xafiiska Waddani ee degmadda Xagal.