Guddoomiye-Ku-xigeenka Koomiishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed ย ayaa muddo saddex maalmood ah ku xidhan Xarunta Danbi baadhista ee loo yaqaano C.I.D ee magaalada Hargeysa.
Warar Xogogaal ah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in Masuulkaasi uu ku xidhan yahay C.I.D waxanay wararku intaasi ku darayaan in Ciidanka Boolisku ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Ma cada sababta rasmiga ah ee Masuulkaasi loo xidhay balse illo xogolaal ah ayaa sheegaya in tuhuno ay dawladdu dabba socotay lagu xidhay masuulkaasi.
Guddoomiye-Ku-xigeenka Koomiishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa Xilal wasiir uga soo qabtay Xukuumaddii Riyaale, halka Xaaskiisuna tahay Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Shukri Bandare.