Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh-nololeedka Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse (Cabdi-Quraab) oo ahaa aqoonyahan si weyn uga soo qaybqaatay horumarinta bulshada oo ku geeriyooday Boorama 27-kii September 2016.
Noloshiisii iyo Waxbarashadiisii
Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse waxa uu ku dhashay magaalada Boorama sannadkii 1949-kii, waxaanu dugsigii hoose dhexe ku qaatay maagaalada Boorama, halka uu dugsiga sarena kaga baxay iskuulka la yidhaahdo Faarax Oomaar 1968-kii oo ku yaala magaalada Hargaysa, waxaanu jaamacada Ummadda, gaar ahaan kuliyadda Lafoole ee tabobarka macalimiinta ka qalin jabiyey 1974 isaga oo bartay maaddooyinka kimistariga iyo bayolajiga. Isla sannadkaas uu ka baxay jamaacadda ilaa 1977-kii waxa uu macallin ka noqday magaalada Marka ee ku taalla koonfurta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidoo kale waxa uu macallin ka noqday dugsigii sare ee uu ka baxay ee Faarax oomaar.
Sannadkii 1977-kii waa uu ka tagay Soomaaliya waxaanu u baqoolay Boqortooyada Sucuudiga waxaanu halkaas deganaa ilaa 1984kii. Kadibna wuxuu u soo wareegay waddanka Jabuuti halkaas oo u ka bilaabay ganacsi. Sannadkii 1986-kii waxa uu dib ugu soolaabtay Boorama waxaanu aasaasay isaga iyo rag kale hay’ad lagu magacaabo Guus ( waa eray af Soomaali sax ah oo loo adeegsado iskaashiga ama hawl wada qabashada), hay’addaas oo noqotay NGO-gii ugu horreeyey ee laga yagleelo gayiga Soomaalida.
Wax-qabadkiisii
Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse Ilaahay ha u naxariistee waxa u ahaa aqoonyahanka, waxgaradka , hormuudka iyo haldoorka aan looga maarmin horumarka, wanaagga,waxtarka, habaynta iyo hagaajinta ummadda u baahan in ay tiigsato horumar loo aayo.
Marxuumku inta aan ogahay waligii jago siyaasadeed ama maamul uma qaban nidaamyadii iyo dawladihii kala duwanaa ee soo maray Soomaaliya iyo Soomaalilandba, waxaase uu astaan lama-ilaawaan ah u ahaa samofalka, horumarka iyo isku filaansho in ay gaadhaan ummadda uu ka soo jeedo, waxaan hubaa in ay dhamaan tabi doonaan wax qabadkisii ummadda Soomaaliyeed ee ay wada shaqaynta iyo aqoonta fiican isku lahaayeen meel kasta oo ay joogaan.
waxaa xusid mudan in uu ka qayb qaatay shirkii Boorama ee nabadeynta iyo habeynta dawladeed isugu jiray ee lagu dhisay Soomaalilandta maanta jirta, isaga oo ka mid ahaa gudiyada isku duba ridaayey hawlo farsamo oo kala duwan.
Waxaa uu Cabdiraxmaan sannadihii burburka ka dib si weyn uu uga qayb qaatay sidii ay dadweynaha ku dhaqan gobolka Awdal ay cagta u saari lahaayeen waddada horumarka.
Mashaariicda waaweyn ee uu marxuumku tiir dhexeedka u ahaa ee uu ka soo qayb-qaatey waxaa ka mid ahaa samayntii iyo yagleeliddii Jaamacada Camuud oo maanta aan wada og nahay meesha ay kaga jirto fidinta aqoonta dhulka ay ku dhaqan tahay ummada Soomaaliyeed. Waxaa kale oo mashaariicda tis qaadday ee laga dhaxlay ka mid ahaa habayntii iyo horumarkii balaadhnaa ee lagu sameeyey wakaaladdii biyaha Boorama taasi oo sannadkii 2003-dii isku beddeshay shirkad saamiley ah oo ka dhaxeysa dawladda iyo dadweynaha si loo daryeelo ceelasha biyaha iyo adeegga biyahaba, waxaan loo beddelay shirkadaas midda maanta loo yaqaano SHABA.
Waxaa iyadana kaalin weyn uu ka qaatay qaabkii loo horu marin lahaa waddooyinka gobolka Awdal kuwaas oo marxalado adag ka dib ay halkaasna ka abuurantay sannadkii 2008-dii hay’adda horumarinta waddooyinka Awdal iyo Salal (ASARDA) .
Marxuum Cabdiraxmaan waligii waxaa lagu xasuusan doonaa in uu ahaa nin aan lagu arag goleyaasha ay ku goolaftamaan dadka siyaasadda ka gacansada. Inta badan marka uu magaalada Boorama joogo waxaa xarun iyo meel uu ku shaqeeyaba u ahayd ama xafiis u ahaa Rays Hotel waxaanad qolkiisa marka aad gasho dareemayay in uu ahaa qof ku mashquulsan cilmi-baadhis ama shaqo laga rabo oo uu diyaarinaayo. Waxaanan marar kooban arkaysay marka salaadda loo soo baxo oo kale in uu odayaal wax aan ka badnayn dhawr iyo toban daqiiqo shaah meel kula cabo ka dibna shaqadiisuu ku laaban jiray.
Waxaa uu ahaa shaqsi odayeynta iyo gar-naqsiga aad ugu wacan waxaana uu caan ku ahaa haddii uu dad wax isku haya kala saarayo in aanu u eegi jirin sida ay dadkaasi ugu soo kala dhaw yihiin ama u kala xigaan. Waxa uu abbaari jiray meesha uu i arko xaqa ama caddaaladda.
Aqoonta aan u lahaa Cabdi waa la iiga badiyaa ee inta aan ka arkay waxa uu ahaa qof dhawrsoon oo wixii dantu ku jirto mooyee aan ka hadal wax kale.
Xajka ayuu ku soo khatimay noloshiisii
Nolosha Cabdi oo cagacagaynaysay 67 sanno, halgan dheerna uu ka muuqday marka laga soo bilaabo dhalashadiisii iyo waxbarashadisii kala duweynd ee uu soo qaatay, waxa uu aakhirkii ku soo gabagabeeyey in uu booqdo Baydka Ilaahay ee barakaysan sannadkan halkaana uu ku soo guto rukniga shanaad ee Islaamka. Isla markii uu soo laabtayna malaha hal maalin uun buu dadkii booqday salaantana ugu tagay noloshiisa caadi ahaa ka dibna waxaa u timid geeridii iyo middii dhabta ahayd waxaanu u hoyday halkii loo badnaa. waxa uu horay Xajka u tagay ama u guday tiroba laba jeer intii uu sideetameeyadii ka shaqayn jiray wadanka Sucuudiga.
Wanaagaas badan ee uu marxuuku lahaa Ilaahay ha ugu naxariisto. Ilaahay qabriga ha u nuuriyo hana kala dhigo rafiiq Xabiibkii aan jeclayn Muxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee.
Boorama