Ciidanka dabdamiska ayaa gabadh suuli ku dumay ka soo saaray

Ciidanka Dabdemiska Qaranka Gaar ahaan Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Abaaro 6:00 Subaxnimo lagu Soo Wargeliyay Gurmad Badbaado kaa soo ahaa Gabadh ay la Duntay Musqulย ku Taalay Guriga ay Ka Degentahay Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Xaafada Idaacada.

Ciidanka Dabdemiska ayaa Daqiiqado kooban ku Gaadhay Goobtaas waxaana Ciidanku Hawlgalkaa u adeegsaday Qalabka loogu Talagalay Badbaadada Dadka kuwaas oo ahaa Xadhko iyo Sallaamo.

Hooyada ku Dhacday Suuligan ayaa ahayd Hooyo dhashay Lix Caruura, sidoo kalena odaygeeduna xanuusanayay.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ku Guuleystay in ay Hooyada ka soo saaraan  Musqusha iyadoo Cagaheeda ku soconaysa Hasayeeshee waxaa markii Dambe Ciidanka Dabdemisku Hooyadaa u Qaaday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargeysa iyadoo dhaawac Fududi Soo Gaadhay.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa Gabagabadii Warbixin dheer ka bixiyay waxaanu u sidoo kale dadweynaha faray in ay ka digtoonaadaan Bullaacadaha,Musqulaha iyo Goobaha kale Ee Jilidasan. Dhanka kale Taliyuhu wuxuu ka Warramay Xilli Roobaadka iyo Hawlaha adag ee  Ciidanku Hayo.

Gaba gabadii Maaha markii ugu horaysay Ee Ciidanku Soo badbaadiyo Dad ku Dhaca Suuli ama badbaadooyin kala Duwan haday noqoto Biniaadam iyo Xayawaanba iyo waliba Gaadiid waxaanay Gaadhayaan ilaa Dhawr iyo Toban Hawlgal oo iskugu jira Gurmadka.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call