Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo Qabtay laba Eedaysane oo Baraha Bulshada ku Faafiyay iyagoo Basas ku Tartamaya

Hargeysa( Dawan):-Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Laba Eedaysane oo baraha bulshada lagu faafiyay iyagoo ku tartamaya labadii Bas ee wadaha ay ka ahaayeen.

Ciidanka Booliska ee Nabedgalyada Wadooyinka ayaa faahfaahin ka bixiyay laba Eedaysane oo oo ku kacay waxyaabo ka hor imanaya sharciga waddo marista oo baraha bulshada lagu faafiyay.

Waxaana hadalkooda ku bilaabeen Sidan.

“Waxa aanu gacanta ku soo dhignay labo eedaysane oo tartan baabuur ku jiray,midna Wajaale ayaanu ka soo qabanay midna isaga oo Hargeysa soo galaya ayaanu ka soo qabanay.Shilalka waxa sababay Xawaaraha iyo masuuliyad darro,waxaana uga digaynaa darawaliinta hadii ay sameeyaan waxyaabo ku khaldan sharciga.waxaana aanu la tiigsan doonaa sharciga dadweynihii soo dhigayna waa mahadsanyihiin.waxaana aanu leenahay dadka khaladka samaynayaan Darawalada Shirkada Sacaado waa in Wasaarada Gaadiidka liisanka kala noqoto,waayo Darawalada shirkada ayaa khalad ku kacay waa in Wasaarada gaadiidka adkayso sharciga shirkadaha gaadiidka,”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com